Muqdisho (SONNA) : Madaxweynaha JFS mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa caawa si toos ah dadweynaha uga jawaabaya su’aalalaha ay ka qabaan nidaamka dowlad dhiska Soomaaliya, waxqabadka dowladda iyo la dagaalanka xagjirka.
Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in wajiga 1-aad ee dagaalka lagu qaaday kooxda Khawaarjita uu ahaa mid qorshaysan, lagana gaaray guul la taaban karo, iyadoo dowladdu ay si fiican kaga faa’iidaysatay uma jihaysay kacdoonka dadweynaha ee ka dhanka ah khawaarijta.
โBaabuur kasto oo ka yimaada Mudug, Baladweyn, ama Hirshabelle Xamar wuxuu ku yimaadaan nabad marka laga reebo inyar oo kamid Galgaduud โ ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.
Sidoo kale madaxweynaha ayaa xusay in dowladdu ay garowsantahay kaalinta muuqata ee macawisleydu ka gaysteen jabinta Khawaarijta, islamarkaana ay dowladdu ajande ka leedahay maarayntooda marka Al-shabaab meesha laga saaro.
Dhinaca kale madaxweynaha JFS mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa bogaadiyey Baarlamaanka dalka oo meel mariyey 11-hindise sharciyeed oo xukuumaddu u soo gudbisay, kuwaas oo muhiim u ah dhismaha hay’adaha dowliga ah, islamarkaana kaabaya horumarka dalka ee dhinacyada ammaanka, dhaqaalaha iyo hufnaanta maamulka dowliga ah.
Madaxweynaha oo wax laga weydiiyey colaadda Laascaanood ayaa sheegay in dowladdiisu ay ahmiyad wayn siinayso sidiiย xasiloono looga dhalin lahaa gobolka Sool, taas oo aan loo adeegsan caburin iyo dagaal.
โWaxaa aahmiyadda 1-aad noo ah in la joojiyo xabadda Laascaanood, walaalaha Waqooyi nabad ayaan ugu baaqayaa, wax walba oo Laascaano ka dhacayana waxa reer Laascaano rabaan ayey ku soo dhammaan doonaanโ.
Mar uu ka hadlayey xiriirka dowladda FS iyo dowlad goboleedyada dalka, gaar ahaan Puntland ayuu sheegay madaxweyne Xasan Sheekh in wadashaqayn wanaagsani ka dhaxayso.
“Wax Khilaaf ah oo u dhexeeya Dowladda federaalka iyo Puntland ma jirto” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.
Madasha su’aalo weydiinta madaxweynahaย oo wali socota, wixii macluumaad ah oo ku soo kordha kala soco SONNA