Muqdisho.SONNA…Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Mohamud ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi uu hoggaaminaayey Wasiirka Arrimaha dibadda Dalka Finland Pekka Haavisto oo soo gaaray Magaalada Muqdisho .
Madaxweynaha iyo wafdigaasi ,waxa ay kulankoodii uga hadleen xoojinta xiriirka laba geesoodka ah iyo iskaashiga ka dhaxeeya labada ,gaar ahaan kuwa ku ย saabsan arrimaha ay wadaagaan.
Finland waa mid ka mid ah dalalka ugu muhiimsan ee Soomaaliya ka taageera dhinacyada horumarka.
Wafdigaasi,waxaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ku soo dhoweeyay ,Wasiirka Arrimsha dibadda Soomaaliya XFS Mudane Abshir Haruuse .