Muqdisho (SONNA):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa madaxtooyada Qaranka ku qaabilay Safiirka Boqortooyada Ingiriiska u qaabilsan Soomaaliya Danjire Mike Nithavrianakis.
Kulanka Madaxweynaha iyo Safiirka ayaa diiradda waxaa lagu saaray horumarinta iskaashiga istaraatiijiyadeed ee UK iyo Soomaaliya, wax ka qabashada saameynta El Niรฑo, iyo u diyaargarowga shirweynaha caalamiga ah ee cunnada kaas oo lagu wado in dhawaan uu ka dhaca dalka Ingiriiska.
Safiirka Boqortooyada Ingiriiska u qaabilsan Soomaaliya Danjire Mike Nithavrianakis ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ugu mahadceliyey soo dhaweynta uu ugu sameeyey Madaxtooyada Qaranka.
President @HassanSMohamud held a meeting with British Ambassador to Somalia, Mike Nithavrianakis @MikeNith1. The discussion focused on enhancing the UK-Somalia strategic partnership, addressing the impact of El Niรฑo, and preparations for the upcoming Global Food Summit. pic.twitter.com/s43zsxwgsC
— Villa Somalia (@TheVillaSomalia) November 13, 2023
Boqortooyada Ingiriiska waxa ay ka mid tahay dalalka xiriirka wanaagsan kala dhaxeeya dowladda Soomaaliya, waxa ayna ka taageertaa dhanka dhismaha ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo arrimaha Beniโaadannimada.