Muqdisho (SONNA) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaaย kulan-doceed barbar socda Shir-madaxeedka 36-aad ee Midowga Afrika, la qaatay dhiggiisa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Rwanda Mudane Paul Kagame.
Labada Madaxweyne ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka u dhaxeeya labada dalka iyo sidii la iskaashi loo sameyn lahaa.
Sidoo kale, labada Madaxweyne ayaa iska xog wareystay xaaladda Gobolka Geeska Afrika.