Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta XFS oo lagu soo dhoweeyay London
    January 30, 2026
    Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya
    January 30, 2026
    wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga
    January 30, 2026
    Ciidanka xoogga oo hawlgal ku dilay xubno ka tirsanaa khawaarijta
    January 29, 2026
    Ergada Soomaaliya ee qaramada midoobay oo munaasabad casho ah u qabtay danjireyaasha iyo diblomaasiyiinta ka hawlgala xarunta QM
    January 29, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
    Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya
    January 13, 2026
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
    Laascaanood waa Xuddunta Midnimada Dalka
    January 19, 2026
    SONNA: 62 Sanno oo Adeeg Qaran iyo Codka Soomaaliya ee Caalamka
    January 7, 2026
    Markii ay Soomaaliya tallaabo horay u qaadaba maxaa loo Qulbaa? (WARBIXIN)
    January 3, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐๐š๐ฆ๐š๐๐š ๐‚๐š๐ซ๐š๐›๐ญ๐š
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN)ย 
    April 19, 2025
    ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ค๐š๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฌ๐š๐ฑ๐ข๐ข๐ฑ๐๐š๐ฒ ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ž๐ž๐ ๐จ๐จ ๐ ๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ๐š $๐Ÿ”๐Ÿ–.๐Ÿ“ ๐Œ๐ข๐ฅ๐ฒ๐š๐ง
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Madaxweyne Xasan Sheekh oo khudbad ka jeediyay Shirka Qaramada Midoobay ee dalalka soo koraya
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
ยฉ2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Madaxweyne Xasan Sheekh oo khudbad ka jeediyay Shirka Qaramada Midoobay ee dalalka soo koraya
GudahaWararka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo khudbad ka jeediyay Shirka Qaramada Midoobay ee dalalka soo koraya

By Agaasimaha SONNA
Last updated: March 5, 2023
9 Min Read
Share

Muqdisho (SONNA) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyay Shirka Qaramada Midoobay ee dalalka soo koroya oo sannadkan halku dhigiisa ahaa “Ka faa’iidaysiga khayraadka la haysto si loo gaaro barwaaqo”

Hoos ka akhriso Khudbadda Madaxweynaha oo dhammeystiran.

Madaxda sharafta leh, Mudanayaal iyo Marwooyin, sharaf ayay ii tahay in aan idin kala hadlayo shirkan shanaad ee muhiimka ah ee Qaramada Midoobay ee ku saabsan Dalalka Horumarkoodu Hooseeyo, kaas oo ka dhacay dalka quruxda badan ee Qatar.

Xaqiiqdii, waa in aan xaqiijinnaa sidii aan fursaddan ugu adeegsan lahayn in aan si dhab ah uga baaraandegno isla markaasna si wadajir ah u hirgelinno qorshe-dejinnada iyo istaraatijiyooyinka dardargelin kara horumar waara oo ka hirgala goobaha kaalmada caalamiga ah loogu baahida badan yahay โ€“ iyo inaan ka faaโ€™iidaysanno khayraadka iyo fursadaha badan ee ka jira Dalalka Dhaqaale ahaan hooseeya si aan dhabbaha ugu xaarno horumar iyo barwaaqo ay gaaraan dadkeenna.

Waxa aan uga mahadcelinayaa Qaramada Midoobay iyo dhammaan hayโ€™adaheeda iyo dowladda Qatar sida ay dadaalkooda u mideeyeen sidii ay u qaban lahaayeen wada-tashigan caalamiga ah isla markaasna muhiimka ah yimidna xiligii loogu talagalay ee ku saabsan sidii loo soo saari lahaa baaq hawl fulineed si loo gaaro natiijooyin wax ku ool ah oo Dalalka Dhaqaale Ahaan Hooseeyo u gaaraan horumar waara. Sidaas awgeed, xilligan oo adduunka isku tiirsan yahay lana wadaago caqabado iyo fursado isku mid ah, waa in aynaan cidina ka tegin haddii ay dhab naga tahay horumar waara iyo barwaaqo ay gaaraan dadka ugu nugul ee caalamka ku nool.

Dalalka Horumarkoodu Hooseeyo sida Soomaaliya oo kale waxaa ka jira fursado iyo khayraad qani ah oo aan laga faaโ€™iidaysan, hase ahaatee caqabaddu waxa ay tahay sidii fursadahan loogu baddali lahaa horumar iyo barwaaqo ay gaaraan dadkan oo ka mid ah kuwa adduunka ugu saboolsan.

Madaxda sharafta leh, Mudaneyaal iyo Marwooyin, Caqadaha taariikhiga ah iyo kuwa casriga ah ee saameynaya horumarka Soomaaliya Inkasta oo Alle ku mannaystay fursado waa wayn iyo khayraad horumar horseedi kara, haddana mid ka mid ah sababaha ay Soomaaliya ula harjadayso sidii ay ku gaari lahayd horumar waara ayaa ah dhaxalka colaad daba dheeraatay iyo xasillooni darro siyaasadeed. Balse waxaan hadda si guul leh u xallinaynaa labadooda annagoo u marayna wadahadal iyo iyo geeddi-socod dowlad dhis loo dhan yahay.

Waxaan sidoo kale si wadajir ah oo saamayn leh ula dagaallamaynaa haraaga ugu dambeeya ee argagaxisada caalamiga ah ee joogta Soomaaliya, annagoo la kaashanayna shacabkeenna iyo bahwadaagta caalamiga ah.

Hase yeeshee, waxaa caqabadaha na haysta sii adkeeyey saamaynta isbaddalka cimillada oo ka sii daray xaaladaha abaarta iyo cunto yarida. Waxa ay mushkiladdani u baahan tahay jawaab caalami ah oo degdeg ah la isuguna dubbarriday si ka fiican sidii hore, si loo dhimo isla markaasna loola qabsado saamaynta isbaddalka cimilada isla markaana loo xaqiijiyo in la badbaadiyo nolosha iyo hab nololeedka dadka kuwooda ugu nugul ee ku nool dalkeenna.

Safmarkii COVID-19 si culus ayuu u sameeyay Soomaaliya, waxaana noo soo baxday muhiimadda ay leedahay in la helo nidaam lagu badbaadin karo bulshada si loola tacaalo saamynta mushkiladaha caalamiga ah ee mustaqbalka. Sidaas awgeed, waxa aan si aan daal lahayn uga shaqeyneynaa sidii aan ku kobcin lahayn dhaqaalaha, ku abuuri lahayn shaqooyin, sidoo kalena ku uruuri lahayn dakhliga gudaha, balse wali ma haysanno barnaamiyada badbaadada maaliyadeed ee bulshada ee dalalka kale ee horumaray ay haystaan.

Balse, waxaa jiri jiray haatanna jira dareen xooggan oo bulsheed, adkaysi iyo wadaagga culayska oo ka jira Soomaaliya si la mid ah in badan oo ka mid ah Dalalka Horumarkoodu Liito, kaas oo naga caawiyay sidii aan ula tacaali lahayn safmarkii COVID-19.

Waa in dareenkan iyo isku danqashadan bulsheed loo aqoonsadaa quwad isla markaasna lagu xusaa naqshadda dhammaan mashaariicda horumarineed ee caalamiga ah iyada oo ahmiyadda la siinayo baahiyaha maxalliga ah, khibradda iyo shaqo abuurka sida ku xusan Qorshaha Horumarinta Qaran ee Soomaaliya. Run ahaantii, habkani ayaa noqon kara kan ugu saamaynta og si loo xaqiijiyo saamayn horumarineed isla markaasna loo xoojiyo badbaadada bulsheed ee bulshooyinka nugul ee dalalka Horumarkoodu hooseeyo.

Badbaadada bulsheed ma ahan waana in aysan noqon wax siin oo kali ah: waa in ay noqontaa fursado abuuris si loo gaaro is-sharfid, karaamo iyo isku filnaansho kuwaas oo sii dhisaya khayraadkii bulsheed ee horey u jiray iyo adkaysiga.

Soomaaliya waa dal qani ku ah khayraadka
Ka Soomaaliya ahaan, waxaa naga goโ€™an sidii aan u soo saaran lahayn khayraadkeenna una gaari lahayn barwaaqo annagoo u marayna wadiiqo u wada faaโ€™iidaynaysa dadkeenna iyo awoodda qarankeenna. Waxa aan durba si firfircoon uga shaqeyneynaa barnaamijka dib u habaynta dhaqaalaheenna qaranka si aan u gaarno dayn cafinta, marka aan yoolkan gaarnana, waxa aan doonaynaa in aan ku tiirsanaanno cududdeenna si aan qaran ahaan ganacsi u samayno si aan barwaaqo u gaarno.

Soomaaliya waa dal qani ku ah khayraadka, waxa uuna leeyahay mid ka mid ah xeebaha ugu dheer adduunka, dhul carrasan ah oo beerista ku habboon oo looga faaโ€™iidaysan karo beeraha iyo xoolaha, iyo sidoo kale dhaqan xooggan oo ganacsi oo dadka Soomaaliyeed ganacsi alaab iyo adeegba ay isaga kala gooshaan gobolka iyo adduunka. Sidoo kale bulshada Soomaaliyeed waxa ay leedahay xiriir dijitaal ah oo xooggan iyo Jaaliyado dibadeed oo cuddudooda lagu qiyaaso 2 milyan kuwaas oo doorkooda ka cayaaraya dib u dhiska qarankooda iyaga oo u maraya soo diris lacag iyo maalgashi.

Waxaa jirta fursad wayn oo si hal-abuurnimo leh oo waxbarasho iyo fursad abuuris lagu siin karo dadka oo dhan oo ay ku jiraan dhallinyarada, gabdhaha iyo haweenka haddii aan majaraha u qaban karno fursadaha uu leeyahay dalkeenna iyo tamarta hal-abuurnimo ee dadkeenna annagoo sii kordhinayna abaabulka khayraadka gudaha, maaraynta maaliyadda dadweynaha iyo dowlad wanaaggan.

Sidoo kale, tiknolojiyadda waxa ay bixisaa fursado qarash ahaan la goyn karo isla markaasna la heli karo si aan u horumarinno nidaam maaliyadeed oo loo dhan yahay, bixinta adeegyada muhiimka ah ee dadweynaha, gaar ahaan waxbarashada iyo caafimaadka dadweynaha kuwaas oo muhiim u ah horumarinta karaanka dadweynaha ee Soomaaliya

Madaxda sharafta leh, Mudaneyaal iyo Marwooyin,

Iskaashiga Soomaaliya maanta waa mid samaynaysa horumar la taaban karo, waxaana sabab u ah dadkeeda firfircoon ee adkaysiga og iyo bahwadaagta caalamiga ah oo sii wada in ay na sii garab taagnaadaan xilli aan annagana ku dadaalaynno sidii aan ku gaari lahayn mustaqbal ka fiican kan maanta.

Sababahan awgood, waxaan ku baaqayaa in la sii xoojiyo iskaashiyada wax ku oolka ah ee looga gol leeyahay in lagu gaaro natiijooyin wax ku ool ah.

Waa in aan dhammaanteen kala barannaa guulaha hayaanka horumarka ee mid kasta oo naga mid ah uu samaynayo, sidoo kale caqadaha iyo fursadaha. Waa in aan ka fogaannaa hab fikirka gooni goonida ah iyo isku dayada aan mira-dhalka ahayn ee mashaariicda ku salaysan si aan u gaarno himilooyinka horumarineed ee hammiga wayn leh ee Dalalka Dhaqaalahoodu Hooseeyo, kuwaas oo si qayaxan ugu cad Qorshe Hawleedka Barnaamijka Doha ee 2022-2031

Gunaanad

Gabagabadii, Dowladda Soomaaliya waxa ay soo dhowaynaysaa Qorshe Hawleedka Barnaamijka Doha ee Dalalka Dhaqaalahoodu Hooseeyo, waxaana si dhow ula shaqeyn doonnaa dadkeenna iyo bahwadaagteenna si aan u xaqiijinno fulinta ballanqaadyada iyada oo yoolku yahay sidii aan u horumarin lahayn dadkeenna.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta XFS oo lagu soo dhoweeyay London

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Al…

January 30, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA)ย Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Raโ€™iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Raโ€iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Wasaaradda Kalluumeysiga Soomaaliya oo doon casri ah guddoontay

Muqdisho(SONNA)-Wasaaradda kalluumeysiga iyo Khayraadka badda DFS ayaa doon kalluumeysi oo lagu tababarayo kalluumeystada waxaay maanta kala wareegtay heyโ€™adda Qaramada Midoobay…

Wararka
March 31, 2020

Akhriso-War-murtiyeed ka kooban Shan qodob oo laga soo saaray Shirkii Golaha Wadatashiga Qaran

Facebookย Messengerย WhatsAppย Twitterย LinkedIn MUQDISHO-(SONNA)-Akhriso-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyey shirka 4aad ee Golaha Wadatashiga Qaran (GWQ) kaas oo…

GudahaWararka
December 29, 2022

Madaxweynaha Galmudug iyo ku-xiggeenkiisa oo dib ugu laabtay magaaladda Sama-reeb “Sawirro”

Muqdisho (SONNA)-Guddoomiyaha Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Galmudug Dr Maxamed Nuur Maxamed Gacal ayaa galabta garoonka diyaaraha magaalada Sama-reeb ku soo dhaweeyay…

Wararka
September 23, 2020

Madaxweyne Farmaajo oo ka qeyb galay shir madaxeedka Urur goboleedka IGAD “Sawirro”

Muqdisho (SONNA), Luuliyo 14, 2020: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka qeyb galay meertada 36-aad ee…

Wararka
July 14, 2020

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US:ย 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

ยฉ2023