Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qoyska, ehelka, iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed uga tacsiyeeyay geeridii naxdinta lahayd ee ku timid AUN Ugaas Cabdullaahi Ugaas Faarax.
Madaxweynaha ayaa xusay kaalinta mugga leh ee uu Ugaas Cabdullaahi ka qaatay nabadeynta iyo dibuheshiisiinta bulshada Soomaaliyeed, isagoo tilmaamay doorkii uu Ugaasku ku lahaa xoojinta dowladnimada iyo midnimada ummadda Soomaaliyeed.
“Innaa Lillaahi wa innaa Ileyhi raajicuun, Alle ha u naxariisto Ugaas Cabdullaahi Ugaas Faarax. Ugaasku wuxuu ahaa astaan iyo tiir weyn oo dhaqan, door muhiim ahna ka qaatay nabadeynta, isku xirka iyo horumarinta bulshada Soomaaliyeed,”
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Alle uga baryay in uu marxuumka ka waraabiyo jannadii Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyskiisa, ehelkiisa, iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay.
DHAMMAAD