Jabuuti,(SONNA):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qayb galay munaasabadda caleemo-saarka Madaxweynaha dib loo doortay ee Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, taasi oo ka dhacday magaalada Jabuuti ee caasimadda dalka Jamhuuriyadda Jabuuti.
Madaxweynaha oo ka mid ahaa madaxda dalalka gobolka, hoggaamiyeyaal caalami ah iyo wufuud heer sare ah oo lagu casuumay munaasabadda ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray Madaxweynaha iyo shacabka Jabuuti, isaga oo xusay muhiimadda ay leedahay xoojinta iskaashiga walaaltinimo ee u dhexeeya labada dal ee Soomaaliya iyo Jabuuti.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa adkeeyey in Soomaaliya ay ka go’an tahay sii xoojinta xiriirka siyaasadeed, amni, dhaqaale iyo iskaashiga gobolka, si loo xaqiijiyo nabad, horumar iyo xasillooni waarta oo ka hanaqaadda Geeska Afrika.
