Muqdisho-(SONNA)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xuska maalinta Dhalinyaradda Soomaaliyeed ee 15-ka May Awgeed waxa uu Ubax dhigay Taalada SYL oo lagu xasuusto dhalinyaradii gobonimo u dirirka ahaa ee SYL.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa ka qeybgalay munaasabadda Ubax dhiga xuska 15-ka May, oo ah maalinta aas-aaska dhalinyaradii gobonimo doonka SYL ee dhexda u xirtay dhismaha Qaranka Soomaaliyeed.
Munaasabadda waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS, Wasiirka Dhalinyaradda XFS, Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Guddoomiye Kuxigeenka Amniga & Siyaasadda G/Banaadir, Xildhibaano iyo masโuuliyiin kale.