Muqdisho, (SONNA):– Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ka qaybgalay munaasabad lagu daahfurayay hindisaha horumarinta “Muqdishada Cusub,” oo ay ku jiraan dhismaha garoon diyaaradeed casri ah, dekad cusub, iyo aag dhaqaale oo muhiim u ah horumarinta caasimadda.
Madaxweynaha ayaa bogaadiyay ganacsatada Soomaaliyeed iyo kuwa ajaanibta ah ee door muhiim ah ka qaatay mashruucan, kaas oo qorshihiisu socday tan iyo shan sano ka hor.
“Ganacsatada Soomaaliyeed waxay door weyn ka ciyaareen dib u dhiska dalka, xilli aysan jirin dowlad xooggan, iyagoo keenay adeegyo muhiim ah oo aan ka jirin meelo badan oo caalamka ah,” ayuu yiri Madaxweynaha.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in mashruuca Muqdishada Cusub uu ka koobnaan doono garoon diyaaradeed iyo dekad casri ah, kuwaas oo qayb ka noqon doona aag dhaqaale oo la filayo inuu saameyn weyn ku yeesho horumarinta dhaqaalaha dalka.
Mashruucan, oo qiimihiisu gaarayo $100 milyan, ayaa loo bandhigi doonaa maalgashadayaasha caalamka iyo kuwa gudaha.
“Waxaan rabnaa in mashruucan uu noqdo mid ay dadka Soomaaliyeed si wadajir ah uga faa’iideystaan,” ayuu raaciyay Madaxweynaha.
Mudane Xasan Sheekh ayaa sidoo kale tilmaamay in mashruuca Muqdishada Cusub uu horseedi doono shaqo-abuur ballaaran oo loo sameeyo dhalinyarada Soomaaliyeed, isaga oo xusay in mashaariicdan horumarineed la gaarsiin doono gobollada kale ee dalka si loo ballaariyo saameynta togan ee ay ku yeelan karaan bulshooyinka.