Muqdisho(SONNA):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo hadal ka jeediyey xafladda xirtaan shirka 7-aad ee Golaha Wadatashiga Qaran ee lagu soo gabagabeeyay Dhuusamareeb ayaa ka warbixiyay halka aay marayaan howlgallada dalka looga xoreynayo khawaarijta.
Madaxweynaha ayaa sheegay in uu dhammaaday waqtigii Khawaarijta,inta dhimana la dhameeystiri doonno,waxa uu ciidanka xoogga iyo kuwa deegaanka ku bogaadiyay guullaha ay soo hooyeen Dagaalka,isagoona sheegay in la gaaray xiligii lays abaal marin lahaa qof walbana la qiri lahaa kaalinta uu ku lahaa xoreynta dalka
Madaxweyne Xasan, “Al-Shabaab Waa xaaqin Shacabkuna waa dhulkii Xaaqina ayaana dhammaanaya “.
Sidoo kale madaxweynaha ayaa fariin u diray dhalinyarada iyo odayaasha ay qaldeen khawaarijta,isagoo u sheegay in ay kasoo baxaan dowladan ay cafis u fidineyso cid walba oo fikirka qaldan ee khawaarijta kasoo baxaysa,ganacsatada ayuu madaxweynuhu sheegay in wali ay maqan tahay kaalintoodii,isagoona ugu baaqay in ay ka qeyb-qataan howlgallada guud ahaan dalka looga xoreynayo khawaarijta
Madaxweynuhu waxa uu intaa hadalkiisa raaciyayย in inta qof kamid ah khawaarijta uu ku sugan yahay degannada ay wali gacanta ku hayaan uu howlgalka sii socon doonno.