Muqdisho(SONNA)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dowladda soomaaliya ay ka goโantahay in dalka guud ahaan laga xoreeyo khawaarijt,waxa uu sheegay Madaxweynaha in soomaaliya oo an laga sifeeyn khawaarijta aan la gaari kari amni iyo xasilooni
Madaxweyna Xasan Sheekha oo hadal ka jeediyay furitaanka kalfadhiga 4-aad ee Barlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in uu dhawaan ku laaban doono furimaha dagaalka si loo sii dardargaliyo howlgallada dalka looga xoreynayo khawaarijta
“Waxaan ku laaban doonaa furimaha dagaalka si aan u sii hogaamiyo howlgalka dalka looga xoraynayo khawaarijtaโ Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud
Dr.Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hadlakiisa sii raaciyay in cadawga ummadda soomaliyeed ay yihiin khawaarijta oo banneeystay dhiigooda iyo hantidooda intaba,ayna waajib tahay in guud ahaan dalka laga sifeeyo,si dalka uu u gaaro hormarย waara.
Ciidanka geesiyasha Qaranka ayuu Madaxweynuhu ku bogaadiyay dagaalka naf hurnimada leh ay ku jiraan,isagoona faray in lasii laba jibaaro howlgallada ka dhanka ah khawaarijta si inta dhiban looga xoreyo dalka.
Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shalay Baarlamaanka ka hor jeediyay khudbad dhinacyo badan taabaneyso,o ay kamid ahayd gulufka dagaal ee dowladdu ku qaaday kooxaha khawaarijta kaas oo guul weyn laga gaadhay iyo dhameeystirka Dastuurka Jamhuuridda Federaalka Soomaaliya.