Beijing-(SONNA)-Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo khadka taleefoonka kula hadlay Madaxweyne Ku-xigeenka Midoowga Yurub ahna Madaxa Arrimaha Siyaasadda iyo Amniga Mudane Josep Borrell ayaa adkeeyayย muhiimadda ay leedahay ilaalinta midnimada, madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyey Midowga Yurub taageerada joogtada ah ee amniga Soomaaliya iyo dedaallada wadajirka ah ee lagu ciribtirayo argagixisada ,waxayna hoosta ka xarriiqeen adkeynta ilaalinta xasilloonida iyo nabadgelyada gobolka.
Madaxweynaha JFS mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan magaalada Beijing ee dalka Shiinaha ayaa halkaasi kaga qeyb galaya Shir madaxeedka Afrika iyo Shiinaha,isagoo kulan doceedyo iyo kuwo khadka ahba la qaadanaya madaxda shirkaasi ka qeyb gashay iyo kuwa caalamka.