Muqdisho-(SONNA)- Madaxweyanaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeyb-galay Bandhigga Waxqabadka Xukuumadda Dan-Qaran ayaa bogaadiyay guulaha lagu xaqiijiyay xoreynta dalka, dowlad-dhiska iyo horumarka.
“Caawa Xukuumadda Dan-Qaran ee uu hoggaamiyo Ra’iisul Wasaare Xamse dhaqan cusub ayey billaabeen oo ah in ay u furan yihiin isla-xisaabtan iyo in su’aalo la weydiiyo, dadkana u sharaxaan waxa lagu hayo xafiisyada dhexdooda “Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Madaxweyanaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuudย oo ka qeyb-galay Bandhigga Waxqabadka Xukuumadda Dan-Qaran ee uu hoggaaminayo Raโiisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa tilmaamay in ay guul weyn ahayd samata-bixinta dadkeennii Soomaaliyeed ee la dhibaateysnaa abaaraha ka jiray dalka.
Madaxweynaha ayaa soo qaaday inta badan tallaabooyinkii horumarka lahaa ee ay xukuumadda Dan-Qaran ku tallaabsatay sida, la dagaallanka argagixisada, Caafimaadka, wax barashada,ilaalinta deegaanka, dhiirri gelinta kalluumeysiga iyo maal gashiga.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in ka dowlad ahaan ay ka go’an tahay inay waddo cad u jeexaan jiilasha dambe si loo xuso madaxda haatan joogto loogana baahn yahay qof walba inuu noqdo ku dayasho wanaagsan oo berri loo aayo.