Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Wasiirka dekedaha XFS oo heshiis iskaashi la saxiixday Wasiirka Gaadiidka ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya
    February 20, 2026
    Heshiisyada wadajirka ah ee kala saxiixdeen Turkiga iyo Soomaaliya ayaa qeexaya in kheyraadka dabiiciga ah ay leeyihiin shacabka Soomaaliyeed
    February 19, 2026
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Barnaamijka Cunnada Adduunka ee Soomaaliya
    February 19, 2026
    Wasiirka dekedaha XFS oo Golaha Wasiirrada uga mahadceliyay meel marinta axdiyada muhiimka ah
    February 19, 2026
    Taliyaha Ciidanka Xoogga oo la kulmay Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika iyo xubno kale
    February 19, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
    Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya
    January 13, 2026
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Madaxweyne Xasan Sheekh iyo dhiggiisa dalka Masar oo wadajir uga hadlay xaaladda Gobolka
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Madaxweyne Xasan Sheekh iyo dhiggiisa dalka Masar oo wadajir uga hadlay xaaladda Gobolka
GudahaWararka

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo dhiggiisa dalka Masar oo wadajir uga hadlay xaaladda Gobolka

By Bile
Last updated: January 21, 2024
3 Min Read
Share

Qaahira-(SONNA)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Masar ayaa munaasabad si heer sare ah loo soo agaasimay oo ka dhacday Madaxtooyada dalkaas, waxa uu kulan miro dhal ah kula qaatay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Carbeed ee Masar Mudane Cabdulfataax Al-siisi.

Labada Madaxweyne ayaa ka wada hadlay amniga iyo istaraatiijadda Carbeed ee Badda Cas, xaaladda gobolka, dagaalka ka dhanka argagixisada iyo xoojinta iskaashiga faca-weyn ee ka dhexeeya Labada shacab ee walaalaha ah.

Kuanka gaarka ah ee Labada Madaxweyne kaddib, waxay wadajir u qabteen shir-saxaafadeed ay ku soo bandhigeen miro-dhalka wada-hadalkooda iyo aragtidooda ku aaddan xaaladaha ka taagan Gobolka, iyadoo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu tilmaamay sida dowladda Soomaaliya ay ula kaashanayso xulafada, bahwadaagta iyo saaxiibbada caalamka sidii looga hortagi lahaa caqabad kasta oo ka dhan ah madaxbannaanida iyo midnimada dalkeenna.

“Masar dowlad iyo shacab, waxaan nahay xulufo iyo walaalo soo jireen ah oo markasta ka wada shaqeeya sidii ay u abuuri lahaayeen mustaqbal ifiya iyo horumar waara. Wadahadallada miro-dhalka ah ee aan maanta yeelannay, waxay muujinayaan sida aan u doonayno in aan xoojinno xiriirka diblumaasiyadeed, amni iyo siyaasadeed.”

Madaxweyne Xasan Sheekh oo uga mahad celiyay dowladda Masar mowqifka walaalnimada ah ee ay ka istaageen damaca xukuumadda Addis-ababa ee la xiriira badda Soomaaliya ayaa soo bandhigay ahmiyadda dhaqaale iyo istaraatiijiyadeed ee Badda Cas, waxa uuna sheegay in Soomaaliya ay saami weyn ku leedahay Baddan, taas oo aysan u aqbalayn dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed in dal kale ay kusoo xadgudbaan taako ka mid ah.

Dhankiisa, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Carbeed ee Masar Mudane Cabdulfataax Al-siisi ayaa tilmaamay saamaynta amni, dhaqan-dhaqaale iyo siyaasadeed ee uu gobolka ku yeelanayo xad-gudubka dowladda Ethiopia ee ka dhanka ah midnimada iyo madax-bannaanida dhuleed ee Soomaaliya, isaga oo sheegay in aysan indhaha ka fiirsanayn xadgudubkaas, maadaama ay Soomaaliya iyo Masar yihiin Labo dal oo qaan-wadaag ah, kuna mideysan dalladaha Carbeed iyo kuwa Afrika.

“Xeerka Jaamacadda Carabta waxa uu dhigayaa in aan wadajir u difaacno dalkii Carbeed oo ay soo food-saarto khatar jiritaan, sidaas awgeed Dowladda Masar ma aqbalayso in la faro-geliyo, laguna soo xadgudbo midnimada iyo amniga Soomaaliya. Awoodda Masar yaan la tijaabin oo la handadin walaalhood, gaar ahaan dalalka walaalaha ah ee naga codsada in aan garab istaagno”.

Ugu danbeyntii, labada Madaxweyne ayaa iska xog-wareystay xoojinta iskaashiga labada dal ee soo jireenka ah, iyadoo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu uga warbixiyey dhiggiisa Dalka Masar guulaha muuqda ee dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay ka xaqiijiyeen amniga, dagaalka argagixisada iyo gaaridda guulihii taariikhiga ee dalkeennu ka gaaray qaadista Cuna-qabatayntii hubka, deyn cafinta iyo ku biiristii suuqa dhaqaalaha bulshada bariga Afrika.

TAGGED:Madaxweyne Xasan Sheekh iyo dhiggiisa dalka Masar oo wadajir uga hadlay xaaladda Gobolka
Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Wasiirka dekedaha XFS oo heshiis iskaashi la saxiixday Wasiirka Gaadiidka ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya

Muqdisho(SONNA):-Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa…

February 20, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray Dalka Turkiye

Ankara(SONNA):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeybgalaya caleema-saarka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Turkiga Mudane Rajab Dayib Erdogan…

GudahaWararka
June 3, 2023

Wasiirka Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS oo New York uga qeyb gashay Kulan Caalami ah

New york(SONNA):-Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Isnaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa magaalada New York ee dalka Mareykanka…

GudahaWararka
September 26, 2025

Ciidanka Xoogga Dalka oo Howl-galo ka dhan ah Al-shabaab kawada Jubbada Hoose

Afgooye (SONNA)- Ciidanka Xoogga dalka ayaa howlgalo ka dhan ah maleeshiyada Al-Shabaab waxay ka sameeyeen degaanno hoostaga degmada Jamaame ee…

Wararka
January 17, 2021

Madaxweynaha K/Galbeed oo xarigga ka jaray xarunta Nabad-sugidda ee Xudur

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koofur galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-Gareen ) ayaa maanta  xarigga ka jaray xarunta hay’adda  sirdoonka iyo nabad…

Wararka
June 12, 2020

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023