Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Ciidanka Xoogga oo howlgallo ka fuliyay koonfurta Sh/Dhexe
    March 12, 2026
    Taliyaha Ciidanka Xoogga oo la dardaarmay ciidan loo diyaariyay tababar dhanka dibadda ah
    March 12, 2026
    HOGGAAMIYAASHA SOOMAALIYA, JABUUTI IYO ITOOBIYA OO KULAN SADDDEX-GEESOOD AH KU YEESHAY JABUUTI
    March 12, 2026
    Wasiirka Qoyska XFS oo ka qeybgashay shir heer wasiir ah oo ka dhacay New York
    March 12, 2026
    Wanlaweyn oo ku soo baxday Tartanka Ramadaan iyo jadwalka wareegga 4-aad oo la sameeyay
    March 12, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Madaxweyne Xasan Sheekh” Dowladda waxay shaqaalaysiin doontaa 10 kun oo macallin si loo daboolo baahiyaha waxbarasho”
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Maqaallada > Madaxweyne Xasan Sheekh” Dowladda waxay shaqaalaysiin doontaa 10 kun oo macallin si loo daboolo baahiyaha waxbarasho”
MaqaalladaWararka

Madaxweyne Xasan Sheekh” Dowladda waxay shaqaalaysiin doontaa 10 kun oo macallin si loo daboolo baahiyaha waxbarasho”

By SB
Last updated: March 14, 2023
4 Min Read
Share

Muqdisho(SONNA):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr Xasan sheekh Maxamuud ayaa balanqaadadiisii ololaha doorashada waxa ka mid ahaa kor u qaadida waxbarashada dalka iyo in dhamaan adeegyada dowladda si siman loo gaarsiiyo dadweynaha,sidoo kale madaxweynaha ayaa maalmo ka hor ku dhawaaqay in Sanadka 2023 noqon doono sanadkii Adeegyadda Dowladda la gaarsiin lahaa dhamaan bulsho weynta Soomaaliyeed.

Madaxweynaha jamhuuriyadda Federaalka Soomaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shalay daah-furay shirweynaha waxbarashadda qaranka oo ay soo qaban qaabisay wasaaradda waxbarashadda hiddaha iyo tacliinta sare ee dalka kaas oo ay ka soo qayb galeen dowlad goboleedyada xubnaha ka ah dowladda Federaalka,gobolka Banaadir,xubno ka socda laba gole ee baarlamaanka,bahda waxbarashadda iyo xubno ka socda wakiilada beesha caalamka,madaxweynaha ayaa ku dhawaaqay in dowladda Soomaliyau qorshaysan tahay qaadashada ilaa 10 kun oo macallimiin ah si loo buuxiyo baahiyaha waxbarasho ee ka jira dalka.

Wasiirka Waxbarasahdda XFS mudane Faarax sheekh Cabdulqaadir ayaa sheegay in shirkaan lagu soo bandhigi doono daraasado iyo aqoon isweydaarsi la xariira sidii loo tayayn lahaa waxbarashada dalka iyo mastaqbalkana loo heli lahaa waxbarasho tayo leh,wasiirka ayaa xusay in shirkan ujeedooyinka loo qabtay ka mid tahay sidii la isula fahmi lahaa caqabadaha ku gadaaman waxbarashada dalka iyo sidii la isula fahmi lahaa loona xalin lahaa.

Wasaaradda waxbarasahdda Hiddaha iyo tacliinta sare ayaa ka hor inta uu shirka furmin la kulantay culimada iyo qaybaha kala duwan ee bulshada Rayidka kuwasa oo laga aragti galinayay sida loo tayayn karo guud ahaan waxbarashada dalka,wasaaradda waxbarashadda ayaa sidoo kale wada daddaallo lagu hormarinayo waxbarshada dalka ayaa dhawaan qaaday imtixaanka macalimiin seddex kun oo ay wasaaraddu doonayso in ay qayb ka noqdaan horumarinta waxbarashadda dalka hadana ay socoto sixitaanka imtixaankii dhawaan ay wasaaraddu qaaday lana shaacin doonto dhowaan natiijada.

Madaxweynaha oo dul istaagay qorshaha dowladda ee baahinta adeeg waxbarasho oo tayo leh iyo xaqiijinta Manhaj mid ah oo Qaran oo wax lagu baro ubadka soomaaliyeed ayaa xusay in la shaqaaleysiindoono Toban kun oo Macallimiin soomaaliyeed ah si kor loogu qaado fursadaha waxbarasho ee ay helikaraan muwaadiniinta soomaaliyeed.

“Qorshaheennu waa in aan kordhinno tirada ardayda xaadirta iskoolada oo ay ku jiraan kuwa ku dhaqan miyiga iyo bulshooyinka nugul, sidookale waa in aan dhaqangalinno manhaj mid ah oo Qaran iyo in aan hubino barid tayo sare leh oo ay hormuud u yihiin xirfadlayaal iyo Macallimiin lagu xulay tartan daah furan inaga oo shaqaaleysiindoona ugu yaraan 10,000 oo Macallimiin ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in fursadaha waxbarasho ee xilligaan ay helaan dhallinyarada Soomaaliyeed ay aad u hooseeyaan taasi oo caqabad ku ah dhisidda mustaqbal wanaagsan iyo xaqiijinta yoolasha horumarineed ee dalka, isaga oo ka dalbaday aqoonyahanka, qurbe joogta iyo kaadiriinta waxbarashada dalka in ay gacan ka gaystaan hirgalinta natiijooyin waxbarasho oo u dan ah jiilka soo koraaya si loo xaqiijiyo degenaasho siyaasadeed, horumar dhaqan-dhaqaale iyo barwaaqo baahsan oo ka hanaqaadda dalkeenna.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Ciidanka Xoogga oo howlgallo ka fuliyay koonfurta Sh/Dhexe

Ciidanka Xoogga Dalka gaar ahaan Guutada 17aad ee Qeybta 1aad ee Kumaanooska Gorgor ayaa howlgallo…

March 12, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Danjire Kullane” Waxaa naga go’an in aan sii wadno doorka muhiimka ah ee dib-u-heshiisiinta ku leedahay iskaashiga caalamiga ah,’’

Beijing,(SONNA):- Safiirka Soomaaliiya ee dalka Shiinaha Amb: Cawaale Cali Kullane ayaa ka qeyb galay munaasabadda xiritaanka kulan muhiim ah oo…

GudahaWararka
July 12, 2024

Wasiir Maareeye oo sheegay in wajiga sedexaad ee shirka wadatashiga ay ku biirayaan madaxda 2-da Aqal iyo Xisbiyada Dalka

Muqdisho.(SONNA)...Wasiirka warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska xukumadda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo ka hadlayay barnaamijka kulanka todobaadka ee warbaahinta…

Wararka
July 24, 2020

Ra’iisal wasaaraha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Imaaraadka Carabta ee Soomaaliya

Muqdisho(SONNA):- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta…

GudahaWararka
January 28, 2023

Wasiirka Ganacsiga XFS oo la wadaagay maalgashato reer Talyaani ah fursadaha maalgalin ee Soomaaliya ka jirta

Rome-(SONNA)-Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Jabriil Cabdirashiid Xaaji oo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan…

GudahaWararka
February 14, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023