Muqdisho-(SONNA)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa manta furay kalfadhiga 5-aad ee Baarlamaanka 11aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Khudbad madaxweynuhu uu jeediyay mudaneyaasha labada Gole ayaa uu uga warbixiyay xaaladda dalka, isaga oo ka dalbaday in howlaha horyaalla uu Baarlamaanku u guto sida ugu dhaqsiyaha badan.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa labada Gole ee Baarlamaanka JFS ku bogaadiyay dardargelinta qodobada qabyada u ah sida qabyo-tirka Dastuurka Kumeel-gaarka ah ee dalka oo cutub kamid ah lagu dhammeystiray kalfadhigii 4-aad ee kan ka horreeyay.
“Howsha dhammaystirka dastuurka waxay dabarka ka furaysaa in bulshadeennu u dhaqaaqdo dowlad dhiska ku saleysan dimuqraadiyaynta, sarreynta sharciga iyo in muwaadinka uu helo xuquuqdiisadastuuriga ah ee in la doorto iyo inuu wax doorto” ayuu yiri Mudane Xasan Sheekh.
Mudane Xasan Sheekh oo ka hadlay dagaalka ka dhan ah kooxda khawaarijta ayaa tilmaamay in deegaannaddi laga xorreeyay argagixisada ee uu dhawaan uu booqday inay ka muuqdaan isbeddel dhanka nolosha, dhaqaalaha, amniga iyo adeegyada bulshada ee aasaasiga ah.
“Haddii aan u soo noqdo qaddiyaddii noogu muhimsanayd oo ah dibu-xoraynta, soo celinta nabadda, xasilinta iyo dhismaha ciidamada qalabka sida. Waxaa marag ma doonto ah guulaha ay gaareen ciidamadeenna xoogga dalka iyo ciidamada Difaaca dadweynaha ee loo yaqaan MACWISLEYDA”.
Madaxweynaha Xasan Sheekh ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay wararka been abuurka ah ee tibaaxaya in dowladdu wadahadalo la fureyso kooxda khawaarijta ee shabaab, waxaana uu yiri “Ma jiro qorshe aan wadanno oo wadahadal nagu dhexmarayo argagixsada aan aqoonsanayn dowladnimada Soomaaliya. Waana ku sii socon doonnaa la dagaallanka argagixisada ila uu dalkenna xor ka noqonayo”.
Dhan kale mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlay wadahadalka ay garwadeenka ka tahay dowladda Turkigu ee ay isugu yeertay Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa sheegay inuu yahay codsi ka yimid dowladda Itoobiya balse Itoobiya aysan beddelin mowqifkeedii ku xad-gudubka madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya taasina ay keentay in gogosha la madlo mar kale iyada oo aanan ka wada hadal.
“Dowladda Etoobiya iyadaa caalamka wareegeysa, iyadoo ka carareysa qaladkii ay ka gashay diblomaasiyadda iyo xeerarka caalamka ee dunida ilbaxa ah ku dhaqanto” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.