Muqdisho.(SONNA):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, arrimaha doorashooyinka, ilaalinta madax-bannaanida dalka iyo dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta oo guulo wax ku ool ah laga gaaray.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si gaar ah kaga hadlay muhiimadda ay leedahay in talada dalka lagu celiyo shacabka, iyaguna ay doortaan cidda xukumeysa, wuxuuna shacabka Soomaaliyeed ka balan qaaday in cid iyagu aan dooranin xukumin.
” Dalka Dimuqraadiyad ayuu aaday, afartii Jabter ee ugu horeysay Dastuurka waa la ansixiyay, wanaagii lagu ansixiyeyna dadka Soomaaliyeed waa arkayeen oo daawanayeen, tiradii, qaabka iyo nidaamka loo maray ee lagu ansixiyay, dadka Soomaaliyeed waxaan leeyahay afartaas Jabter ee la ansixiyay hal dabar ayey naga furtay, dadka Soomaaliyeed doorasho qof iyo cod ah ha u diyaargarowbaan, kuwo xun xun haddaan nahay maanta talada jooga, beri loo socdaaye iska keyn dira,dadka Soomaaliyeed balan ayaa ka qaadnay in cid iyagu aan dooranin inaan xukumin, balankaas ayaa qaadnay, balankaas ayaana ku taagan nahay,” ayuu yiri madaxweynaha.
Sidoo kale, madaxweynaha ayaa ku adkeeyay shacabka Soomaaliyeed in ay doortaan cidda ra’yiga wanaagsan oo dalka iyo dadka Soomaaliyeed u daneyneysa, wuxuuna dhanka kale, carabka ku adkeeyay in ay waajib tahay in la ilaaliyo madax bannaanida iyo gobonimada dalka.