Hadal heyntii beryahaanba la isla dhex marayay ayuu shalay soo Af jaray Madaxweynaha JFS mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo Dhuusamareeb u jooga hoggaaminta dagaalka lagu ciribtirayo Khawaarijta ayaa farriin u diray ciidanka xoogga dalka iyo ciidamada deegaanka, taas oo ku aadan inay sii xoojiyaan gulufka ay dhabarka uga jabinayaan Argagixisada, wuxuuna ciidanka dareensiiyey inay dagaalka ka soo bilaabeen dhul boqolaal Km ka fog degmooyinka iyo deegaanada todobaadkii hore la xoreeyey, haatana Khawaarijtu ay marayaan maalmihii noloshooda ugu xumeed, ayna dhawdahay waqtigii guusha weyn laga gaari lahaa.
Madaxweynuhu waxa uu ka hadlay dagaalkii u dambeeyey ee ka dhacay deegaanka Cawsaweyne ee hoos tagta Degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud, kaasi oo Khawaarijtu dicaayad been ah ka sameysay, isagoo xusay in sida dhabta ah la ogaaday in 190 ka tirsan Khawaarijta dagaalkaasi lagu dilay, Maleeshiyaadkoodana ay xabaal wadareed ku wada aastay, dhaawacoodiina ay sii dhameystireen ama dileen, maadamaa aysan heysan goob caafimaad ama isbitaal ay ku daweeyaan dhaawacyadooda, isagoo balaln qaaday in dowladdu ay dib u baari doonto xawaal-wadareedyada ay ka sameeyeen Goobaha ay hadda gacanta ku hayaan.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dul istaagay in la gaaray xilligii la xisaabtanka kuwa la siiyay awoodda dowladnimada ee mas’uuliyadooda khiyaamay ama ka gaabiyay inay xilkooda si hufan u gutaan.“Kuwa ka shaqeynaya inay ciidanka taswiish galiyaan ogaada waa Shabaab” ayuu yiri Madaxweynaha JFS, wuxuuna intaasi sii raaciyay in dowladda ay ka go’antahay ciribtirka Khawaarijta. “Dagaalku waa soconayaa ma istaagayo, meelaha aan joogno kama soo noqonayno, guusha kama dambaysta ah ee aan raadineyno aan gaaraynaa” ayuu yiri Madaxweyne Xasaan Sheekh, wuxuuna shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay u midoobaan dagaalka lagu ciribtirayo Khawaarijta oo ay ciidanka ku garab istaagaan xoog iyo xoolaba, si loo dhiirrigaliyo ciidanka, loogana guuleysto cadowga ragaadiyay horumarka dalka.
Khudbad soo af-jartay propogando Malaayiin Dollar ku baxday, taasi oo ka dhan aheyd dagaalka aan kula jirno Khawaarijta ayna maal-galinteeda iska kaashadeen Khawaarijta iyo Siyaasiyiin Arxan-laawayaal ah.Dhamaanteen waxaa noo dhahan hadalka Madaxweynaha, waayo 95% Shabaab waan u bur-burinan xag Ciidan,Dhaqaale, inta deegaan ay heystaan waa wax ka yar .5% waxayna ku soo hartay wax lagu qoro Facebook propogando lagu fidiyo, nagamana difaaci doonto insh allah, marka waa in aan dhameystirno Khawaarijta Gabalkoodu dhacay.
Dhinaca kale Wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa mar kale ku celisay digniin ku aadan faafinta dicaayadda Khawaarijta oo an ogsoonahay inuu jab badani ka soo gaaray furimaha dagaalka, iyadoo Wasiir ku xigeenka Wasaaraddaasi mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Al-cadaala oo shir jaraa’id ku qabtay Dhuusamareeb ayuu si adag uga hadlay dadka faafinaya fariimaha marin habaabinta ah ee ku saabsan dagaalka dowladdu kula jirto Khawaarijta, isagoo xusay in dadkaasi qaarkood ay si ula kac ah u faafinayaan dicaayadda Argagixisada, taasi oo uu ku tilmaamay fal dambiyeed dowladdu kula xisaabtamayso cid walba oo ku kacda.
Wasiir ku xigeenka Al-cadaala ayaa xusay in hawlgalka Khawaarijta looga sifaynayo Galmudug uusan waxba iska badalin, islamarkaana uu ku socdo sidii dowladdu u qorsheysay, waxa uu ugu hambalyeeyay ciidanka xoogga dalka, daraawiishta Galmudug iyo ciidamada deegaankaba guulaha waaweyn ee ay todobaadyadii ugu dambeeyey ka soo hooyeen furimaha dagaalka.
Horjooge Nuur-deeq Cabdulaahi Maalinguur oo ugu sareeyey Khawaarijta joogta gobolka Mudug ayaa shalay isku soo dhiibay ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed iyo daraawiishta Galmudug. Horjoogahaan oo watay gaari nooca raaxada ah iyo Qori AK-47 ah ayaa ka yimid duurka deegaanka Bacaadweyn ee gobolka Mudug, waxaana hadda lagu hayaa degmada Wisil.
Wasiirka arrimaha gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Macalin Fiqi, Xildhibaan Cabdiraxmaan Cagaweyne, Saraakiil Ciidan iyo Mas’uuliyiin ka tirsan dowlad goboleedka Galmudug ayaa ku sugnaa goobtii shalay lagu soo bandhigay horjoogaha, waxayna Isi soo dhiibidda horjoogahan ay muujinaysa sida kooxda Khawaarijta ah ay u sii tabar yaraanayso, islamarkaana horjoogayaashoodii ay u kala baxsanayaan sidii ay isugu soo dhiibi lahaayeen Dowladda Soomaaliya, si ay u galaan gacan ammaan ah, islamarkaana laga nabad galo shartooda, iyaguna ay nabad galaan naf ahaantooda.
Annaga hiil buu naga rabaa inteenna bannaanka ka joogta furinta dagaalka, dagaal Al-shabaab dhexdhexaad kama noqon karno sidii siyaasadda wadamada dunida ku dhaqmaan, waana dagaal guushiisa ay harsan ama ay ku naaloon doonaan jiilalka dambe. Madaxweynuhu Dadka uu shaqada u dirsaday hiil buu uga baahan yahay, waana inay si hufan waajibaadkooda u gutaan, wax la taaban karana ku biiriyaan howlgallada socda. Madaxweynaha naftiisa hiil bay uga baahan tahay oo waqti wax lagu qiimeeyo waa joogaa xafiiska ee hortiisa iyo hareerihiisa ha eego. Qofkii shaqadiisa ka soo dhalaalay abaal marin buu mudan yahay, kuwii dayacayna la xisaabtankooda ayaa looga fadhiyaa, marka waxaan leenahay Madaxweynaha maalin uu hiil uga baahi badan yahay, maanta ma jirto ee Soomaaliyeey aan Madaxweynaheenna u hiillinno.