Dhuusamareeb-(SONNA)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo muddoo ka badan toddobaad u jooga deegaanada Galmudug abaabulka howgallada deegaanka looga xoreynayo Khawaarijta ayaa kulammo miro dhalay la qaatay qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka, siyaasiyiinta iyo bulshada Galmudug.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa si gaar ah odayaasha dhaqanka kala hadlay sidii ay doorkooda hoggaamineed uga qaadan lahaayeen qorshaha dib loogu xoreynayo deegaannada ay argagixisada Alshabaab kaga harsan yihiin Galmudug, isaga oo ku booriyay in ay ka hortagaan qorsheyaasha Khawaarijtu ku kala qeybinayso dadka deegaanka, si ay u helaan maalmo ay kusii carqaladeeyaan nolasha iyo horumarka Bulshada.