Jowhar-(SONNA)- War qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska warfaafinta madaxtooyada Hirshabeelle ayaa lagu yiri:- Madaxweynaha maamul goboleedka Hirshabelle, Dr Maxamed Cabdi Waare, oo ku hadlaya afka golayaasha dowlad goboleedka iyo kan Shacbiga Hirshabeelle ayaa ka tacsiyeeyay geerida Allaha u naxariistee guddoomiye ku xigeenkii amniga gobolka Sh/dhexe marxuum Muxumad Sugaal Cismaan iyo wiil uu dhalay oo xalay ugu geeriyooday Jowhar Bam gacmeed kooxaha Nabad diidka ay ku weerareen gurigiisa.
Madaxweynaha ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray dhammaan shacabiga Hirshabelle, ehelkii, qaraabadii iyo asxaabtii uu ka baxay guddoomiye ku xigeenka Amniga Sh/dhexe marxuum Muxumed Sugaal, waxaana eebbe uu uga baryay inuu jannatul fardowsa ka waraabiyo.
Madaxweyne Waare wuxuu Marxuumka ku sifeeyay in uu ahaa xubin muhiim ah oo ka baxday maamulka iyo shacabka Hirshabeelle, islamarkaana uu hayay shaqo adag oo muhiim u ah nidaamka dawliga ah, iyo xaqiijinta Amniga.
Madaxweynaha Hirshabeelle Dr Maxamed Cabdi Waare wuxuu faray hey’adaha Ammaanka in sida ugu dhaqsiyaha badan ay u sameeyaan baaritaan dhab ah oo la xiriira weerarkaasi fulaynimada ah ee lagu dilay marxuum Muxumed Sugaal, sharcigana la hor keeno dhagar qabayaashii ka dambeeyay.
Ugu dambayn Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa guud ahaan Shacbiga Hirshabeelle kula dardaarmay in ay muujiyaan feejignaan dheeraad ah, meelna uga soo wada jeestaan cadowga Umadda Soomaaliyeed ee argagaxisada Al Shabaab, islamarkaana ay la shaqeeyaan Hey’adaha ammaanka sidoo kalena ay iska hubiyaan cid kasta oo ku soo dhex dhuumanaysa.