Baydhabo-(SONNA)-Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Madaxtooyada Baydhabo ku qaabilay Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha Jamhuuriyada uqaabbilsan Wada-hadallada Soomaaliland Mudane, Cabdikariin Xuseen Guuled oo maanta Baydhabo gaaray.
Ergayga Gaarka ahย iyo Madaxweyne Laftagareen ayaa ka wada hadlay hannaanka loo wajahayo wada hadallada DFS iyo Somaliland.
Madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen ayaa soo dhaweeyay dedaallada Xafiiska Ergayga, isagoo u muujiyay garab istaag buuxa,wuxuuna Ergayga dhankiisa Madaxweynaha uga mahadceliyay talooyinkiisa wanaagsan iyo aqbalaadda qorshahiisa.