Garowe-(SONNA)-Ku-simaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne Ku-xigeenka maamul Gobaleedka Puntland, Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa caawa Qasriga Madaxtooyada Garoowe casho sharaf ugu sameeyay Wasiirrada caafimaadka ee heer Federaal iyo kuwa maamul goboleedyada xubnaha ka ah DF Soomaaliya.
Kulanka oo maalmahan ka socday Garoowe ayaa maanta kusoo dhamaaday jawi fiican, wuxuuna qeyb ka ahaa shirarka wadatashi ee ay yeeshaan Waasaaradaha caafimaadka dowladda dhexe iyo maamul gobaleedyada.
Dhamaan Wasiirrada caafimaadka Dowladda Federaal iyo kuwa maamul gobaleed ayaa ka mahadceliyay casha sharafta iyo sida diirran ee loogu sameeyay soo dhawaynta.