Dhuusamareeb-(SONNA)- Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Mudane Cali Daahir Ciid ayaa bogaadiyay shaqada wanaagsan ee laga qabtay horumarinta Kalluumeysiga iyo ka faa’iideysiga wanaagsan ee kheyraadka badaha ee dalka.
Mudane Ciid oo ka hadlayay Shirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee XFS iyo kuwa maamul goboleedyada oo ka furmay Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Galmuudg ayaa intaa ku daray in Kalluunku uu ka mid yahay kheyraadka uu Alle ku manneystay dalkeenna haddii si wanaagsan looga faa’iideystana ay horseedi karto in la gaaro isku filnaansho dhaqaale oo waara.
Shirkan oo ah kii 3aad ee Golaha Maareynta iyo Horumarinta Kalluumeysiga ayaa waxaa diiradda lagu saaray xoojinto wadashaqeynta u dhaxeysa Wasaaradaha heer Federaal iyo heer maamul goboleed.
Warbixinta iyo hadafka horumarinta Kalluumeysiga ka doodista iyo Hirgalinta Habraacyada Golaha Maareynta iyo Horumarinta Kalluumeysiga (FMDC) iyo mudnaan siinta ka hortagga kalluumeysiga xad-dhaafka ah, Jillaabashada noole biyoodka dabar go’aya, la dagaallanka Kalluumeysiga sharci darrada ah iyo la socoshada saameynta isbadalka cimillada ee deegaan xeebeedyada.
Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Soomaaliya Mudane Axmed Xasan Aadan ayaa furitaanka shirka ka sheegay in guulo wax ku ool ah laga gaaray shirarka Golaha Maamulka iyo Horumarinta Kalluumeysiga.
Mudane Axmed Xasan Aadan ayaa sheegay in mudnaansiinta horumarinta Kalluumeysiga Qaranka ay tahay waxyaabaha mudnaanta koowaad u ah golaha Maamulka iyo Horumarinta Kalluumeysiga.
Wasiirada Kalluumeysiga iyo kheyraadka badda ee dowlad goboleedyada Jubbaland, Koofur Galbeed, Hirshabeelle iyo Maamulka Gobolka Banaadir ayaa si wada jir ah u sheegay in meel looga soo wada jeesto sidii looga wada shaqeyn lahaa horumarinta Kalluumeysiga.
Shirkan ayaa la filayaa in laga soo saaro warmurtiyeed lagu faahfaahinayo qodobbada mudnaanta u leh golaha ee diiradda la saari doono si guulo looga gaaro ajendeyaasha Qaran iyo heer federaal ee dhinaca Kalluumeysiga.