Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Ciidanka Xoogga oo howlgallo ka fuliyay koonfurta Sh/Dhexe
    March 12, 2026
    Taliyaha Ciidanka Xoogga oo la dardaarmay ciidan loo diyaariyay tababar dhanka dibadda ah
    March 12, 2026
    HOGGAAMIYAASHA SOOMAALIYA, JABUUTI IYO ITOOBIYA OO KULAN SADDDEX-GEESOOD AH KU YEESHAY JABUUTI
    March 12, 2026
    Wasiirka Qoyska XFS oo ka qeybgashay shir heer wasiir ah oo ka dhacay New York
    March 12, 2026
    Wanlaweyn oo ku soo baxday Tartanka Ramadaan iyo jadwalka wareegga 4-aad oo la sameeyay
    March 12, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Madaxweyne Farmaajo oo Xarigga Ka Jaray Xarunta Urur Goboleedka IGAD ee la Socodka Cimilada “SAWIRRO”
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Madaxweyne Farmaajo oo Xarigga Ka Jaray Xarunta Urur Goboleedka IGAD ee la Socodka Cimilada “SAWIRRO”
GudahaWararka

Madaxweyne Farmaajo oo Xarigga Ka Jaray Xarunta Urur Goboleedka IGAD ee la Socodka Cimilada “SAWIRRO”

By Aadan Sooyaal
Last updated: December 23, 2021
2 Min Read
Share

Muqdisho (SONNA)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo uu weheliyo Xoghaya Guud ee urur Gobaleedka IGAD Dr. Workneh Gebeyehu, ayaa magaalada Muqdisho xarrigga kaga jaray Xarunta Urur Goboleedka IGAD ee La-socodka Cimilada iyo Ilaalinta Deegaanka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo khudbad ka jeediyey munaasabadda ayaa soo bandhigay muhiimadda ay Xaruntani u leedahay guud ahaan dalalka Geeska, gaar ahaan Soomaaliya oo martigalinaysa Xaruntan heer gobol, isaga oo tilmaamay in isbeddelka cimiladu uu Gobolka ku yahay caqabad ay tahay in la iska kaashado.

“Xaruntani waxa ay muhiimad weyn u leedahay Guud ahaan Gobolkeenna oo ay ka caawin doonto hirgelina Qorsheyaasha Isbeddelka Cimilada ee IGAD, Midowga Afrika iyo Heshiiska Caalamiga ah ee Paris. Waxa ayna ku soo beegantay xilli ay Gobolka ka jiraan dhibaatooyinka ka dhashay isbeddelka cimilada ee abaaraha, fatahaadaha iyo nabaad-guurka.”

Xoghayaha Guud ee Urur Goboleedka IGAD ayaa uga mahad celiyey Dowladda Federaalka Soomaaliya martigelinta Xaruntan, isaga oo sheegay in ay wax weyn ka tari doonto wax ka qabashada dhibaatooyinka ka dhasha isbeddelka cimilada.

Xaruntan cusub ee IGAD ayaa ka shaqayn doonta la-socodka iyo wax-ka-qabashada isbeddellada cimilada iyo ilaalinta badqabka deegaanka ee dalalka IGAD, iyada oo diiradda saari doonta ururinta macluumaadka, cilmi-baarista iyo soosaaridda warbixinnada ku aaddan dhibaatooyinka ka dhasha isbeddelka cimilada, oddorosidda iyo ka jawaabidda masiibooyinka dabiiciga ah.

Munaasabadda waxaa ka qayb galay Wasiirradda Wasaaradaha qaybta ka ah Xaruntan oo ay ka mid yihiin Wasiirka, Maaliyadda Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, Qorshaynta Qaranka Mudane Jamaal Maxamed Xasan, Xannaanada Xoolaha Maxamed Aadan Macallim iyo Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Beeraha Mudane Xaamud Cali Xasan.

                 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Ciidanka Xoogga oo howlgallo ka fuliyay koonfurta Sh/Dhexe

Ciidanka Xoogga Dalka gaar ahaan Guutada 17aad ee Qeybta 1aad ee Kumaanooska Gorgor ayaa howlgallo…

March 12, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Ra’iisul Wasaare Khayre: Wadajirka Reer Xudur Cadawga Isaga Dul Qaadeen Oo Amniga Uga Shaqeeyeen Waxa Ay Tusaale u Tahay In Dadka Soomaaliyeed Wax Qabsan Kararaan “SAWIRRO”

Muqdisho (Xudur)- Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre oo bulshada Xudur kala qayb galay munaasabad ay kusoo…

Wararka
September 12, 2019

Dowladda Soomaaliya oo gargaar gaarsiiyay magaalada Masagawaa oo dhowaan laga xorreeyay Khawaarijta

Muqdisho (SONNA) Hay'adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka ee SoDMA ayaa Maanta Boqolaal Shacab ah waxa ay Gargaar ugu qeybisay magaalada Masagawaa…

GudahaWararka
April 1, 2023

Ra’iisul wasaare Xamse oo ka tacsiyeeyey geerida Jeneraal Moorgan

Muqdisho (SONNA): Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ka tacsiyadeeyey geerida Allaha u naxariistee Jeneraal…

GudahaWararka
May 28, 2025

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka oo u yeeraya Ardadydii soo codsatay kamid noqoshada Xoogga Dalka

Muqdisho-(SONNA)-Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed wuxuu uyeerayaa Dhamaan  Ardaydii  soo codsatay kamid noqoshada  Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed  da,dooduna u dhaxeysa…

Wararka
October 16, 2019

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023