Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Ururka Iskaashiga Islaamka oo si buuxda u garab istaagay Soomaaliya si cadna u diiday aqoonsi beenaadka
    January 10, 2026
    Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS” Soomaaliya maanta waxay fiirineysaa Go’aanka Ururka Iskaashiga Islaamka,”
    January 10, 2026
    Ururka Iskaashiga Islaamka oo cambaareeyay Aqoonsi beenaadka Israa’iil ee Somaliland
    January 10, 2026
    Dhallinyaro loo qabtay xirfado kor loogu qaadayo aqoontooda
    January 10, 2026
    Maxay ka wada hadleen Wasiirka Kalluumeysiga XFS iyo Safiirka Itoobiya?
    January 10, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
    Qaramada Midoobay oo cambaareysay weerarkii Israel ee masjid ku yaalla Daanta Galbeed
    November 14, 2025
    Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya
    November 7, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    SONNA: 62 Sanno oo Adeeg Qaran iyo Codka Soomaaliya ee Caalamka
    January 7, 2026
    Markii ay Soomaaliya tallaabo horay u qaadaba maxaa loo Qulbaa? (WARBIXIN)
    January 3, 2026
    Aqoonsiga qeybo ka mid ah dal waxa uu khatar gelinayaa nabadda iyo amniga Caalamka
    December 29, 2025
    Xuska Maalinta Ciidanka Boliiska ee 20-ka Disembar ย 
    December 20, 2025
    Warbixin: Muhiimadda Weyn ee Hannaanka Dawladnimo ee Hanaqaaday
    December 9, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐๐š๐ฆ๐š๐๐š ๐‚๐š๐ซ๐š๐›๐ญ๐š
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN)ย 
    April 19, 2025
    ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ค๐š๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฌ๐š๐ฑ๐ข๐ข๐ฑ๐๐š๐ฒ ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ž๐ž๐ ๐จ๐จ ๐ ๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ๐š $๐Ÿ”๐Ÿ–.๐Ÿ“ ๐Œ๐ข๐ฅ๐ฒ๐š๐ง
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Madaxweyne Farmaajo oo soo xiray Shirka dhammeystirka Wadahadallada Hirgelinta Doorashada “Sawirro”
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
ยฉ2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Madaxweyne Farmaajo oo soo xiray Shirka dhammeystirka Wadahadallada Hirgelinta Doorashada “Sawirro”
GudahaWararka

Madaxweyne Farmaajo oo soo xiray Shirka dhammeystirka Wadahadallada Hirgelinta Doorashada “Sawirro”

By Aadan Sooyaal
Last updated: May 27, 2021
2 Min Read
Share

Muqdisho (SONNA)-May 27, 2021: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ugu hambalyeeyey shacabka Soomaaliyeed heshiiska dhammeystirka wadahadalladii ku saabsanaa hirgelinta doorashada oo ku salaysan heshiiskii 17-ka Sabteembar 2020 iyo is afgaradkii magaalada Baydhabo ee Guddiga Farsamada Arrimaha Doorashooyinka.

Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey dhinacyada shirka ka qeybgalay kaalinta ay ku lahaayeen heshiiskan, isaga oo si gaar ah ugu ammaanay Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble doorkiisa wax-ku-oolka ah ee ka miro-dhalinta dhaqan-gelinta heshiisyadii hore loo gaaray.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tilmaamay in ay hortaallo Raโ€™iisul Wasaaraha iyo Madaxda Dowlad Gobolleedyada howl baaxad leh oo ku aaddan xaqiijinta fulinta heshiiskan si lagu wada qanacsan yahay oo rajo galineysa Shacabka Soomaaliyeed.

“Waxaa la joogaa wakhtigii loo jiheysan lahaa doorasho hufan iyada oo laga dheeraanayo fal kasta oo caqabad ku noqon kara xasilloonida dalka iyo qabsoomidda doorashooyinka qaranka.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa u rajeeyay dalkeenna in uu sii ambaqaado xoojinta hannaanka dimuqraadiyadda, nabadda iyo midnimada, isaga oo xusay in ay saldhig u tahay geeddi socodka doorashooyinka iyo xasilloonida dalka, taas oo ka tarjumaysa biseylka iyo qaangaarnimada siyaasadeed ee dadka Soomaaliyeed.

Munaasabadda dhaqan-gelinta Heshiiska Doorashooyinka Dalka waxaa ka qeyb galay Guddoonka Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Mudane Maxamed Xuseen Rooble, Raโ€™iisul Wasaare Ku-xigeenka Mahdi Maxamed Guuleed, Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada, Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed, Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye, Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen, Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamed Maxamuud iyo Madaxweyneyaashii hore ee dalka Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Mudane Cabdiqaasim Salaad Xasan oo si maqal iyo muuqaal ah aaladda Internet-ka ugaga qayb galay.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Ururka Iskaashiga Islaamka oo si buuxda u garab istaagay Soomaaliya si cadna u diiday aqoonsi beenaadka

Muqdisho,(SONNA):- Golaha Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) ayaa maanta ku yeeshay magaalada…

January 10, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA)ย Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Raโ€™iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Raโ€iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Ciidamada XDS oo howlgal ka dhan ah Khawaarijta ka fuliyay gobolka Gedo

Luuq, (SONNA): Ciidanka Xoogga Dalka iyo Ciidanka Booliiska ayaa howlgal lagu baacsanayo Khawaarijta ka sameeyay inta u dhexeeysa degaanka Shaataloow…

GudahaWararka
July 18, 2024

Madaxweynaha Jubbaland iyo Guddoomiyaha hey’adda SoDMAย  oo yeeshay kulan diirada lagu saaray xaaladaha baniโ€™aadannimo ee taagan

Muqdisho-(SONNA)-Guddoomiyaha Hayโ€™adda Maaraynta Musiibooyinka mudane Maxamuud ย Macalin Cabdulle ayaa kulan diiradda lagu saaray xaaladaha taagan ee baniโ€™aadannimo la qaatay Madaxweynaha…

GudahaWararka
May 19, 2024

Maxkamadda Rafcaanka oo maalintii labaad dhegaysanaysa Dacwadda Masโ€™uuliyiin loo haysto Musuq maasuq

Muqdisho(SONNA):-Maxakamadda racfaanka gobolka Banaadir ayaa markii labaad maanta u fariisatay dacwadda Rafcaanka ay eedeysanayaasha ka yihiin saraakiil ka tirsan Hayโ€™adda…

GudahaWararka
November 19, 2023

Taliyaha Booliisks oo shirguddoomiyey shirks hoggaanada Booliiska

Muqdisho(SONNA):-Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa shir guddoomiyay kulanka hoggaanada, Taliyaasha qeybaha iyo fadhiyada madaxa banaan…

GudahaWararka
June 19, 2025

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US:ย 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

ยฉ2023