Muqdishu(SONNA)-Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kulan la qaatay qaar ka mid ah dhallinyarada Soomaaliyeed ayaa kala hadlay doorkooda ku aadan dib u dhiska dalka, adkaynta dowladnimada, hoggaaminta iyo horumarinta bulshada.
Madaxwaynaha oo ka jawaabay waydiimaha dhallinyaradii kulanka ka soo qayb galay ayaa tilmaamay in dhallinyaro badan oo ku xirnaa Xabsiyo shisheeye ay dowladdu dib ugu soo celisay dalka, kuwaas oo haatan sharaf iyo karaamo ugu nool dalkooda, qaybna ka ah dhallinyarada Soomaaliyeed ee u taagan in ay mustaqbal wanaagsan u horseedaan dalka iyo dadka.
โDhallinyarada Soomaaliyeed waa cududda dalkeenna. Waa waajib qaran in lagu dhiirri geliyo ka miro dhalinta hiigsigooda iyo dadaalkooda ku aaddan dib u dhiska dalka. dowladda aan hoggaaminayo waxaa ka goโan xaqiijinta kaalinta dhalliyarada ee siyaasadda, arrimaha bulshada, difaaca dalka iyo dhaqaalaha.
Madaxwaynaha ayaa dhallinyarada la wadaagay dadaalka dowladdu ay ku bixisay awoodsiinta dhallinyarada ee hoggaaminta hayโadaha dowladda iyo Ciidamada Qalabka Sida, taas oo lagu xaqiijinayo qorshayaasha ku qotoma xaqiijinta dowlad Soomaliyeed oo horumarsan, ilaalisana madax-bannaanida dalka iyo Sharafka shacabkeenna.
Dhankooda dhallinyarada goob joogga ka ahaa kulanka, ayaa Madaxwaynaha uga mahadceliyay mudnaanta uu siiyey dhallinyarada iyo kalsoonida uu ku qabo awooddooda hoggaamineed, waxayna soo bandhigeen sida ay uga goโan tahay midaynta cududda dhallinyarada oo ah awoodda ugu badan ee bulshada, si looga miro dhaliyo qorshayaasha la dagaallanka qabyaaladda iyo musuqmaasuqa.