Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Ciidanka Xoogga oo howlgallo ka fuliyay koonfurta Sh/Dhexe
    March 12, 2026
    Taliyaha Ciidanka Xoogga oo la dardaarmay ciidan loo diyaariyay tababar dhanka dibadda ah
    March 12, 2026
    HOGGAAMIYAASHA SOOMAALIYA, JABUUTI IYO ITOOBIYA OO KULAN SADDDEX-GEESOOD AH KU YEESHAY JABUUTI
    March 12, 2026
    Wasiirka Qoyska XFS oo ka qeybgashay shir heer wasiir ah oo ka dhacay New York
    March 12, 2026
    Wanlaweyn oo ku soo baxday Tartanka Ramadaan iyo jadwalka wareegga 4-aad oo la sameeyay
    March 12, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Madaxweyne Farmaajo oo ku baaqay in gurmad deg-deg ah loo fidiyo muwaadiniinta ku dhibaateysan fatahaadaha
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Madaxweyne Farmaajo oo ku baaqay in gurmad deg-deg ah loo fidiyo muwaadiniinta ku dhibaateysan fatahaadaha
Wararka

Madaxweyne Farmaajo oo ku baaqay in gurmad deg-deg ah loo fidiyo muwaadiniinta ku dhibaateysan fatahaadaha

By Aadan Sooyaal
Last updated: October 28, 2019
2 Min Read
Share

Muqdisho (SONNA), Oktoobar 28, 2019; Madaxweyaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kulan la qaatay Guddiga Qaran ee Gurmadka Fatahaadaha, culimada iyo ganacsatada Soomaaliyeed ayaa ku baaqay in gurmad deg-deg ah loo fidiyo muwaadiniinta ku dhibaataysan fatahaadaha deegaannada Hiiraan, Bakool iyo Gedo.

Wasiirrada Xukuumadda ee Xubnaha ka ah Guddiga Qaran ee Gurmadka Fatahaadaha ayaa madaxweynaha la wadaagay warbixinta hawlaha samata bixinta iyo gurmadka la sameeyey tan iyo markii ay dhacday musiibadani, qorsheyaasha haatan socda, caqabadaha jira iyo xaaladahii ugu dambeeyey ee dadka iyo duunyada degaanaddaas.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay sii xoojin doonto gurmadka deegaannada dhibaataysan, waxa uuna ugu baaqay culimada, ururrada dhallinyarada, haweenka iyo dhammaan ururrada bulshadda rayidka ah in ay wada jir ugu kacaan carruurta, haweenka, waayeelka iyo muwaadiniinta dhibaataysan oo badankood dhirta saran yihiin, halka muwaadiniinta ilaa haatan la samata bixiyeyna ay gurmad cunto, biyo iyo hooy deg-deg ah u baahan yihiin.

Madaxweynaha ayaa u soo jeediyey Shaqaalaha Dowladda iyo dhammaan muwaadiniinta Soomaaliyeed ee dakhlileyda ah in qeyb ka mid ah mushaharkooda ay u qoondeeyaan walaalaheenna ay soo gaartay dhibaatada baaxadda leh, isagoo ku bogaadiyey ganacsatada Soomaaliyeed kaalinta mugga leh ee ay ilaa haatan ka qaateen hawlaha gurmadka.

Culimada iyo ganacstada qeybta ka ahaa kulanka ayaa talooyin, iyo aragti-celin ka dhiibtay warbixinta ay soo bandhigeen Guddiga Qaran ee Gurmadka Fatahaadaha, waxaana wadajir la isula qaatay in la ballaariyo abaabulka isku-tashiga shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed ee lagu wajahayo dhibaatada ka dhalatay fatahaadaha.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda, Xubnaha Guddiga Qaran ee Gurmadka Fatahaadaha, Culimada iyo mataleyaasha ganacsatada ayaa si wada jir ah Alle ugu baryey muwaadiniinta ku shahiiday fatahaadahan, waxa ayna tacsi u direen qoysaskooda, asxaabtooda iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed.

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Ciidanka Xoogga oo howlgallo ka fuliyay koonfurta Sh/Dhexe

Ciidanka Xoogga Dalka gaar ahaan Guutada 17aad ee Qeybta 1aad ee Kumaanooska Gorgor ayaa howlgallo…

March 12, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Ra’iisal wasaare Xamse oo hadal ka jeediyey madasha shir madaxeedka Daaresalaam

𝗗𝗮a𝗿𝗲s𝗮𝗹𝗮𝗮𝗺 (SONNA): Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Jamhuuriyadda Soomaaliya mudane Xamsa Cabdi Barre oo hadal ka jeediyay maanta shir madaxeedka…

GudahaWararka
July 26, 2023

Ra’iisul Wasaare Rooble: “Xukuumadda waxay xoogga saari doontaa xal u helista fatahaadaha soo noqnoqday”

Muqdisho (SONNA)-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo maanta socdaal ku tegay magaalada Jowhar ee Xarunta Dowlad-goboleedka…

GudahaWararka
June 3, 2021

Duqa Minneapolis oo u hambalyo u diray dadka Soomaalida ee ku nool Mareykanka

Duqa magaalada Minneapolis ee Gobolka Minasoota oo ka tirsan dalka Maraykanka Mr.Jacob Frey oo ka hadlay xaflad lagu maamuusaayey todobaadka…

Gudaha
June 30, 2023

Soomaaliya oo diyaarineysa ergay dhex-dhexaadiya dhinacyada isku haya Suudaan

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda XFS Cali Balcad oo u waramay warbaahinta qaranka ayaa sheegay in dhowaaan la magacaabi doono ergay…

Gudaha
March 7, 2025

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023