Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Hawlgal lagu dilay maleeshiyaad Khawaarij ah oo Shabeellaha dhexe laga fuliyey
    April 21, 2026
    Wasiirka Warfaafinta oo Muqdisho ka furay tababar ku aaddan cilmi-baarista warbaahinta
    April 21, 2026
    Wasiirka amniga oo tababar u soo xiray Askar Daraawiish ah
    April 21, 2026
    Taliyaha CXD oo socdaal dhulka ah ku gaaray deegaano ka tirsan gobolka Baay
    April 21, 2026
    Ra’iisul Wasaare Xamsa oo dhagax dhigay Xarunta Horumarinta Manaahijta waxbarashada dalka
    April 21, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    12-ka April Xuska Maalinta Qaran ee Ciidanka Xoogga Dalka
    April 12, 2026
    Markabka qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo Muqdisho laga sagootiyay
    April 11, 2026
    Hoggaamiyaha isbadalka (warbixin)
    April 9, 2026
    Soomaaliya oo diiwangalisay Markab ku howlgalaya Calanka Soomaaliya (WARBIXIN)
    April 5, 2026
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
Reading: Madaxweyne Farmaajo oo khudbad ka jeediyey Shirka Qaramada Midoobey ee Horumarka iyo Dadweynaha
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Madaxweyne Farmaajo oo khudbad ka jeediyey Shirka Qaramada Midoobey ee Horumarka iyo Dadweynaha
Wararka

Madaxweyne Farmaajo oo khudbad ka jeediyey Shirka Qaramada Midoobey ee Horumarka iyo Dadweynaha

By Aadan Sooyaal
Last updated: November 12, 2019
2 Min Read
Share

Nayroobi (SONNA)- Nofeembar 12, 2019: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo khudbad ka jeediyey Shirka Caalamiga ah ee Horumarka iyo Dadweynaha oo ka furmay magaalada Nayroobi ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay dadaal muuqda gelisay awoodsiinta dhallinyarada iyo in ay kaalin hoggaamineed ka qaataan dalka.

Madaxweynaha ayaa la wadaagay madaxda, masuuliyiinta iyo ka qeyb galayaasha shirkan dhibaatooyinka sinnaan la’aanta dhanka bulshada ee adeegyada dadweynaha iyo dhaqaalaha, waxa uuna adkeeyey mowqifka joogtada ah ee Dowladda Soomaaliya ay ka taagan tahay taageeridda Olalaha Caalamiga ah ee lagu xaqiijinayo horumarka iyo hiigsiyada barwaaqo-geynta dadweynaha.

“Waa inaan aqbalnaa in ay jiraan caqabado aan wadaagno oo ku aaddan hirgelinta koboc dhaqaale oo loo siman yahay, bixinta adeegyo dadweyne oo la heli karo iyo fursad u abuuridda dhallinyarada adduunka oo badankood ay ku nool yihiin qaaradda Afrika.”

Madaxweyne Farmaajo ayaa soo bandhigay kororka muuqda ee tirada dadka Soomaaliyeed ku yimid sanadihii danbe, waxa uuna xusay fursadaha horumarineed iyo dhaqaale ee ugu jira arrinkan dowladnimada Soomaaliya, maadaama tirada ugu badan ee shacabkeenna ay yihiin dhallinyaro u hanqal-taagaya sidii dalkoodu uu ula tartami lahaa dalalka Caalamka ee horumarsan.

“Waxa aan garawsannahay baahida loo qabo in si degdeg ah loo taageero dhallinyaradeenna si kororka dadweyne aan uga faa’idaysanno dhanka xasilloonida iyo abuuridda fursado loo siman yahay.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa si faahfaahsan uga warbixiyey doorka haweenka Soomaaliyeed ay ku leeyihiin nabadeynta iyo dib u dhiska dalka, isaga oo soo bandhigay fursadaha siyaasadeed iyo kuwa dastuuriga ah ee soojireenka ah oo ay ku tilmaaman yihiin Haweenkeenna Soomaaliyeed.

Shirka oo socon doona muddada u dhaxeysa 12-14ka bishan ayaa lagu soo bandhigayaa fursadaha horumarineed iyo caqabadaha barnaamijyada dadweynaha, kor uqaadista maalgelinta adeegyada aasaasiga, joojinta tacadiyada ka dhanka ah haweenka iyo sare u qaadista saamiga dhallinyarada ee hoggaaminta.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Hawlgal lagu dilay maleeshiyaad Khawaarij ah oo Shabeellaha dhexe laga fuliyey

Muqdisho (SONNA): Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa howlgallo…

April 21, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Amarkii Puntland iyo Galmudug ay ku soo rogeen Magaalada Gaalkacyo oo dhaqangalay

Muqdisho:(SONNA) -Guddoomiyeyaasha Gobolka Mudug ee Puntland iyo Galmudug Axmed Muuse Nuur iyo Cabdiraxmaan Cali Diiriye oo wadajir shir ugu qabtay…

Wararka
April 20, 2020

Taliye ku-xigeenka Ciidanka Lugta oo shacabka ugu baaqay in ay ka fogaadaan goobaha Khawaarijtu joogto

Muqdisho (SONNA):-Taliye ku-xigeenka Ciidanka Lugta xoogga dalka General Cabduaahi Aadan Xuseen (Cirro ) ayaa Shacabka ay afduubka u haystaan Al-shabaab…

GudahaWararka
September 11, 2023

Safiirka Talyaaniga ee Soomaaliya oo gaaray magaalada Hobyo

HOBYO-(SONNA)- Safiirka Dowladda Talyaaniga ee Soomaaliya Alberto Vecchi & mas’uuliyiin kale ayaa maanta gaaray magaalo xeebeedka hobyo ee gobolka mudug,…

GudahaWararka
November 9, 2020

Wasiirka Beeraha XFS“Dhowaan waxaan soo bandhigi doonaa cagaf-cagafyo qiimo ahaan aad u jaban iyo qalab kale”

Wasiirka Beeraha iyo Waraabka XFS Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye oo qabtay dood cilmiyeed ay ka qeybgaleen qaar kamid ah…

Gudaha
December 5, 2025

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023