Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Soomaaliya iyo Suudaan oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga diblomaasiyadeed iyo amniga gobolka
    April 1, 2026
    Guddiga doorashooyinka oo Galmudug ka bixinaya kaararka cod-bixiyaasha
    April 1, 2026
    Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo daah-furay madasha isku-duwidda qaybta Beeraha
    April 1, 2026
    Ra’iisul Wasaare Xamsa oo magacaabis isweeydaarin ah ku sameeyay wasaaradaha xukuumadda Dan Qaran
    April 1, 2026
    Guddoomiye Aadan Madoobe oo shir guddoomiyey kulan ka dhacay Baydhabo
    April 1, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
Reading: Madaxweyne Farmaajo oo ka qeyb galay shir madaxeedka Urur goboleedka IGAD “Sawirro”
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Madaxweyne Farmaajo oo ka qeyb galay shir madaxeedka Urur goboleedka IGAD “Sawirro”
Wararka

Madaxweyne Farmaajo oo ka qeyb galay shir madaxeedka Urur goboleedka IGAD “Sawirro”

By Aadan Sooyaal
Last updated: July 14, 2020
3 Min Read
Share

Muqdisho (SONNA), Luuliyo 14, 2020: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka qeyb galay meertada 36-aad ee Shir Madaxeedka Urur Goboleedka IGAD ayaa ka warbixiyay hannaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ay u xakameysay ugana hortagtay cudurka safmarka ah ee COVID-19, saameynta xooggan ee cudurkan uu ku yeeshay dalkeenna iyo geeddi socodka siyaasadda, amniga iyo dhaqaalaha ee dalka.

Shirkan oo ahaa mid Madaxdu ay ku wada xiriireen mareego gaar ah oo dhanka internet-ka ah (Video-conference) ayaa ku saabsanaa horumarrada laga gaaray dadaallada xal u helista colaadda dalka Suudaanta Koonfureed, qorshaha dalalka IGAD ay ku wajaheen cudurka COVID-19 iyo qodobo kale oo la xiriira arrimaha iskaashiga iyo is dhexgalka dhaqan-dhaqaale ee dalalka Gobolka.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka go’antahay doorkeeda sidii xal waara loogu heli lahaa colaadda dalka Suudaanta Koonfureed, isaga oo boggaadiyay dhammaan dadaallada dib u heshiisiinta ee ka socda dalkaas, ayaa ku dhiirigaliyay Madaxweyne Salva Kiir magacaabista Golihiisa Wasiirrada ee qeybta ka noqonaya qorshaha nabadda iyo dib u heshiisiinta dalkaas.

“Waxaan jeclahay in aan qiro dadaallada ay muujiyeen dhammaan qeybaha ka shaqeeynaya suurtagelinta heshiis nabadeed iyo xoojinta iskaashi amni. Waxaan sidoo kale soo dhaweynayaa hanaanka socda ee isku dhafka iyo dib u dhiska hey’adaha amniga iyo kuwa rayidka oo loo dhan yahay ee Suudaanta Koonfureed.”

Sidoo kale, Madaxweyne Farmaajo ayaa la wadaagay hoggaamiyeyaasha kale ee dalalka IGAD saameynta uu cudurka COVID-19 ku yeeshay Soomaaliya, waxa uuna boggaadiyay isku xirnaanta iyo wada shaqeynta heer Gobol ee lagu wajahay cudurkan.

“Si aynu u hubinno in Xoghaynta IGAD ay si fiican ugu diyaar garowday dadaallada dib-u-dhiska iyo soo kabashada ee dalalka urur Goboleedka IGAD marka laga gudbo cudurka COVID-9, waa inaan dardargelinnaa dib-u-habeynta hay’adaha iyo dib-u-qaabaynta IGAD iyada oo la raacayo heshiiskeenii hore.”

Madaxweynaha oo muujiyay sida cudurka karoonaha uu u saameeyey guud ahaan dhaqaalaha dalalka IGAD ayaa xoojiyay muhiimadda ay leedahay in dalalka Gobolku iska kaashadaan sidii ay arrintaas xal ugu heli lahaayeen sidoo kalana cashar uga baran lahaa saameyntii dhaqaale xumo ee ka dhalatay Covid-19.

 

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Soomaaliya iyo Suudaan oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga diblomaasiyadeed iyo amniga gobolka

Muqdisho (SONNA): Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah mudane Xamsa…

April 1, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Shacabka magalada Baladweeyne oo ka walwalsan biyo farabadan oo ku soo wajahan

Muqdisho:(SINNA)- Shacabka magaalada Belad-weyne ee Gobolka Hiiraan ayay cabsi la soo deristay maalmihi ugu danbeeyay maadaama la gudagalay xiliga gu,ga…

Wararka
April 28, 2020

Dagaalka tooska ah ee Dowladda ku qaaday kooxda khawaariijta oo sababay in khawaariij la kulanto jabkii ugu xumaa

Muqdisho(SONNA):-Dowladda Soomaaliya ayaa muddo ku dhow 7- bilood dagaal kula jirta Kooxda Maleeshiyaad Argagixisada ah ee Khawaarijta, waxaana laga abaaray…

MaqaalladaWararka
February 20, 2023

Dowladda Turkiga oo Cambaareysay weerarkii argagixiso ee ka dhacay Muqdisho

Muqdisho(SONNA) War qoraal ah oo ka soo baxay wasaarada arimaha dibadda ee dalka Turkiga ayaa si kulul loogu canbaareeyay weerarkii…

GudahaWararka
February 1, 2021

Howlgalka Midowga Africa ee Soomaaliya oo hoos u dhigaya calanka midawga Afrika si ay baroor diiq ugu sameeyaan Madaxweynihii  Burundi ee geeriyooday

Muqdisho(SONNA)-Hawl-galka Midowga Africa ee AMISOM  ayaa waxa ay hoos u dhigayaan calanka Midowga Africa ee suran xaruntooda Muqdisho, magaalooyinka kale…

Wararka
June 13, 2020

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023