Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Ciidanka Ammaanka oo gacanta ku dhigay dhagarqabe ka tirsan Khawaarijta
    January 10, 2026
    Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa xarigga ka jaray Baakin casri ah oo laga hirgeliyey xayndaabka garoonka Aadan Cadde
    January 10, 2026
    Soomaaliya oo dhambaal taageero ah u dirtay Dowladda Qatar
    January 10, 2026
    Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo xarriga ka jaray baarkin cusub oo uu yeelanayo garoonka diyaaradaha Aadan Cadde
    January 10, 2026
    Dowladda Hindiya oo si adag uga hor timid xadgudubka Israa’iil kula kacday midnimada Soomaaliya
    January 10, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
    Qaramada Midoobay oo cambaareysay weerarkii Israel ee masjid ku yaalla Daanta Galbeed
    November 14, 2025
    Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya
    November 7, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    SONNA: 62 Sanno oo Adeeg Qaran iyo Codka Soomaaliya ee Caalamka
    January 7, 2026
    Markii ay Soomaaliya tallaabo horay u qaadaba maxaa loo Qulbaa? (WARBIXIN)
    January 3, 2026
    Aqoonsiga qeybo ka mid ah dal waxa uu khatar gelinayaa nabadda iyo amniga Caalamka
    December 29, 2025
    Xuska Maalinta Ciidanka Boliiska ee 20-ka Disembar ย 
    December 20, 2025
    Warbixin: Muhiimadda Weyn ee Hannaanka Dawladnimo ee Hanaqaaday
    December 9, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐๐š๐ฆ๐š๐๐š ๐‚๐š๐ซ๐š๐›๐ญ๐š
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN)ย 
    April 19, 2025
    ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ค๐š๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฌ๐š๐ฑ๐ข๐ข๐ฑ๐๐š๐ฒ ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ž๐ž๐ ๐จ๐จ ๐ ๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ๐š $๐Ÿ”๐Ÿ–.๐Ÿ“ ๐Œ๐ข๐ฅ๐ฒ๐š๐ง
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: MADAXWEYNE FARMAAJO OO KA QAYB GALAY MUNAASABADDA XUSKA 26-KA JUUN. (SAWIRO)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
ยฉ2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > MADAXWEYNE FARMAAJO OO KA QAYB GALAY MUNAASABADDA XUSKA 26-KA JUUN. (SAWIRO)
Gudaha

MADAXWEYNE FARMAAJO OO KA QAYB GALAY MUNAASABADDA XUSKA 26-KA JUUN. (SAWIRO)

By Agaasimaha SONNA
Last updated: June 26, 2021
3 Min Read
Share

Muqdisho,(SONNA Juun 26, 2021; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka qayb galay Munaasabadda Xuska 26-ka Juun ayaa ugu hambalyeeyey dhammaan shacabka Soomaaliyeed Sannad Guurada 61-aad ee ka soo wareegtay Maalintii Xorriyadda Gobollada Waqooyi.

Madaxweynaha oo khudbad ka jeediyey Munaasabadda 26-ka Juun oo ah maalin ku astaysan mirihii ka dhashay halgankii gobannimo doonka iyo maalintii koowaad oo calan Soomaaliyeed laga taago dhul Soomaaliyeed oo xor ah ayaa soo bandhigay taariikhda halgankii xornimadoonka Dalkeenna, isaga oo shacabka Soomaaliyeed ee Gobollada Waqooyi ku ammaanay doorkoodii gobannimo u dirirka iyo isu-doonta ummadda Soomaaliyeed.

“Halgankii gumaysi diidka iyo Soomaali isu doonku waxa uu ahaa mid ay hormuud u ahaayeen Gobollada Waqooyi. Dhaqdhaqaaqyadii gobonnimo doonka ahaa ee ka curtay Gobolladaa waxa ay horseed u ahaayeen madaxbannaanida iyo midnimada Soomaaliya, waxaana xusid mudan halgankii gobannimo u dirirka ahaa ee Daraawiishta iyo doorkii SNL ay ku lahayd xoreynta Gobollada Waqooyi oo la mid ahaa doorkii SYL ku lahayd xornimada Gobollada Koonfureed.โ€

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kula dardaarmay shacabka Soomaaliyeed in ay xejistaan gobannimadooda, wadajirkooda iyo sooyaalkooda, isaga oo walaalaha Gobollada Waqooyi ugu baaqay in ay hormuud u noqdaan midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed.

โ€œGobannimadu waa xujo hortaalla cidda hesha, oo uga baahan xejisasho iyo ka miro-dhalin. Waa inaan dhowrannaa, waa inaan wadajir iyo midnimo ku wada waardiyeysannaa. Awooweyaasheen waxa ay u dhinteen inaan xornimo helno, innana waa in aan u guntanno ilaalinteeda, innaga oo jiilasha danbe u diyaarinayna mustaqbal iyo nolol wanaagsan.โ€

Intii ay socotay munaasabaddu, waxaa khudbado xambaarsan sooyaalkii halgankii Xorriyadda Soomaaliya ka jeediyey masuuliyiin, waxgarad, Abwaanno iyo Hoobollada Qaranka Waaberi oo suugaan ku cabbirayey qiimaha gobannimada, waddaniyadda iyo wadajirka.

Dhanka kale, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo salaan sharaf ay siinayaan cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka, baambayduna ay ku maamuusayso heesta Calanka ayaa calan-saaray Madaxtooyada Qaranka, halkaas oo ay munaasabaddu ku qabsoontay.

Munaasabadda waxaa sidoo kale ka qayb galay, Kusimaha Guddoomiyaha ahna Guddoomiye Ku-xigeenka 1-aad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdiwali Ibraahim Muudeey, Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda FS Mudane Maxamed Xuseen Rooble, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka Garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Duqa Caasimadda Mudane Cumar Maxamuud Maxamed Filish, xubno ka tirsan Goleyaasha Dowladda, Taliyeyaasha Ciidammada Qalabka Sida iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

DHAMMAAD

 

8

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Ciidanka Ammaanka oo gacanta ku dhigay dhagarqabe ka tirsan Khawaarijta

Muqdisho(SONNA):-Ciidamada Ammaanka ayaa gacanta ku dhigay dhagarqabe ka tirsanaa Khawaarijta, una qaabilsanaa degmada Baardheere falalka…

January 10, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA)ย Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Raโ€™iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Raโ€iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Ciidanka NISA oo howlgal ay ka fuliyeen Afgooye kusoo qabtay labo xubnood oo ka tirsan Khawaarijta

WAR SAXAAFADEED Muqdisho(SONNA):-Ciidanka gaar ah ee Gaashaan ee Hayโ€™adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa howlgal qorsheysan oo xalay ay…

GudahaWararka
July 27, 2025

Raโ€™iisul wasaare Xamsa oo kormeeray goobaha codbixinta

Muqdisho (SONNA): Raiisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kormeer ku tagay goobo ay ka socoto…

GudahaWararka
December 25, 2025

Muqdisho oo lagu qabtay xaflad casho sharaf ah oo lagu taageeraayo xildhibaanada cusub

Qaar kamid ah Wasiirada XFS iyo xubnaha labada Aqal ee Baarlamaanada Soomaaliya ayaa xalay ka qeybgalay xaflad casho sharaf ah…

Gudaha
October 17, 2025

Xildhibaannada labada Aqal oo maanta la hor geyn doono wax ka bedelka Dastuurka

Muqdisho(SONNA):-Xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa lagu wadaa in Maanta oo Isniin ah ay kulan wadajir ah ku yeeshaan…

GudahaWararka
February 12, 2024

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US:ย 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

ยฉ2023