Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    DF oo xoojineysa Gurmadka Dadka Danyarta ah
    October 19, 2025
    Wasiirka Howlaha Guud ee XFS oo kulmay Wafdi ka socda Dalka Vietnam
    October 19, 2025
    Codbixiyaal gaaraya 923,220-Qof, oo iska Diiwaangeliyay Gobolka Banaadir
    October 19, 2025
    Saraakiil ka tirsan hay’adaha amniga oo tababar uga furmay Muqdisho
    October 19, 2025
    Danjire Ilyaas Cali Xasan oo si weyn loogu soo dhoweeyay magaalada Kinshaasa
    October 19, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Xamaas oo heshay dammaanad-qaad iyo Israel oo ogolaatay xabbad joojinta Gaza
    October 10, 2025
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgaly furitaanka meertada 80-aad ee golaha guud ee Qaramada Midoobay
    September 23, 2025
    Illaa kun ruux oo ku dhintay dhul go’ ay sababeen roobab ka da’ay Sudan
    September 2, 2025
    Dhulgariir geystay khasaarooyin kala duwan oo ka dhacay Afganistan
    September 1, 2025
    Madaxda Ruushka & W/Kuuriya oo todobad kadib ku wajahan Shiinaha
    August 28, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Xuska 14-ka Oktoobar ee Qaraxii Soobbe
    October 14, 2025
    Xuska 12-ka Oktoobar ee Maalinta Calanka Soomaaliya
    October 12, 2025
    Wax ka ogoow Taariikhda Farsamo yaqaankii ugu horreeyay ee Raadiyo Muqdisho (SAWIRRO)
    September 24, 2025
    Guushu waa adigoo wax yar Cagaha Dhulka ku haya (FAALLO)
    September 15, 2025
    Afar fariimood oo ay dirtay jabinta difaacyadii iyo duullaankii Khawaarijta
    September 15, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
    Safaaradda Soomaaliya ee kenya oo Hamblayo u dirtay Kooxda Dekadaha oo guul usoo hooyay Dalkeena
    September 28, 2025
    Dekedaha oo muujisay awood, kadib markii ay guul ka gaartay Al-Zamala
    September 21, 2025
    Kooxda Dekedaha soomaaliya oo Nairobi kula ciyaaraysa Al Zamala Sports Club
    September 20, 2025
    Maareeyaha Dekadda Muqdisho oo Sagootin u Sameeyay Kooxda Dekedaha
    September 15, 2025
Reading: Madaxweyne Farmaajo oo Daah-furay Barnaamijka Baxnaano ee lagu taakuleynayo qoysaska danyarta ah
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Madaxweyne Farmaajo oo Daah-furay Barnaamijka Baxnaano ee lagu taakuleynayo qoysaska danyarta ah
Wararka

Madaxweyne Farmaajo oo Daah-furay Barnaamijka Baxnaano ee lagu taakuleynayo qoysaska danyarta ah

By Aadan Sooyaal
Last updated: April 18, 2020
2 Min Read
Share

Muqdisho: (SONNA) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa daah-furay Barnaamijka Baxnaano oo taakuleyn dhaqaale lagu siinayo qoysaskeenna danyarta ah, iyada oo wajigiisa 1-aad ay ka faa’iideysanayaan 1.3 Malyan oo ka mid ah muwaadiniinta Soomaaliyeed ee gudaha dalka.

Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey Xukuumadda dadaalka ay ku bixisay xaqiijinta ballan-qaadkii ku aaddanaa dib u soo nooleynta adeegyada aas-aasiga ah ee dadweynaha iyo kor u qaadista fursadaha shaqo, heerka nololeed iyo dakhliga dalka, isaga oo tilmaamay in daah-furka barnaamijkan uu ku soo aaday xilli cudurka COVID-19 uu saameeyey nolasha iyo ganacsiga dadka Soomaaiyeed.

“Waxaa inoo diyaarsan Qorshaha Horumarinta Qaran ee 9aad oo si faahfaahsan u qeexaya qorshaha aan ku wajahayno saboolnimada, cunta yarida, annagoo xoogga saareyna kor u qaadidda nolasha dadka u nugul xaaladaha deg-deg ah sida abaaraha, duufaannada, cudurrada iyo guud ahaan musiibooyinka dabiiciga ah ee ina soo food saara.”

Madaxweyne Farmaajo ayaa faray Xukuumadda, gaar ahaan Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshda oo hoggaamineysa Barnaamijka Baxnaano in si daah-furan oo hufnaan iyo cadaalad ah ay ku fuliso Barnaamijkan, iyada oo daryeelaysa qoysaskan danyarta ah ilaa ay ka gaarsiineyso heer isku filnaansho nololeed oo ay iskood u maareyn karaan nolashooda, si wejiyada xiga ee Barnaamijka Baxnaano loogu sii baahiyo Malaayiin kale oo ka mid ah shacabkeenna Soomaaliyeed oo u ooman adeegyada dowladeed.

Barnaamijka Baxnaano ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku xoojineyso adeegyada dadweynaha ayaa laga hirgelinayaa 21 degmo oo ku yaal dalka iyo deegaannada hoostaga degmooyinkaas, iyada oo loo qoondeeyey dadkaas danyarta ah taakuleyn dhaqaale oo ah 4 Malyan oo doolar bishiiba.

Sidoo kale, Barnaamijkan waxaa qeyb ka ah taakuleyn dhaqaale oo lagu xoojinayo nolasha dadka beeralayda ah ee dalaggoodii uu galaaftay Ayaxii ku habsaday qaar ka mid ah deegaannada ay ka soo go’aan dalagyada dalka dhammaadkii sanadkii tagay 2019-kii. Dawladdu waxa ay maalgelin dhaqaale u sameynaysaa beeralayda si kor loogu qaado wax-soosaarka dalka.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

DF oo xoojineysa Gurmadka Dadka Danyarta ah

Muqdisho,(SONNA):- Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee XFS, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir ayaa…

October 19, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Madaxweynaha Hirshabeelle oo balan qaaday in gargaar la gaarsiin doono degmooyinka ay abaarahu ka jiraan ee Gobolka Hiiraan.

Beledweyne-SONNA:-Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen oo uu wehliyo Madaxweyne ku Xigeenka Maamulkaas Yuusuf Axmed Hagar ayaa maanta kulan…

GudahaWararka
February 9, 2022

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo la kulmay Danjiraha Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya

Muqdisho-(SONNA)-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa la kulmay Danjiraha Dowladda Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya Mudane…

GudahaWararka
September 11, 2024

Dowladda Jabuuti oo ka hadashay damaca Ethiopia ee xeebaha Soomaaliya

Jabuuri (SONNA): Dowladda Jabuuti qoraal ka soo baxay ayaa lagu yiri " Dowladda Jabauuti oo ah gudoonka wareegga ee IGAD…

Wararka
January 8, 2024

Haya’adda Socdaalka JFS oo sheegtay in aan wax isbeddel ah lagu samayn habraacii Socdaalka Qurbejoogta Soomaaliyeed

Muqdisho(SONNA):-Haya'adda Socdaalka iyo jinsiyaddaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya ayaa warsaxaafadeed ay soo saartay ku cadaysay in aanu jirin wax laga beddelay…

GudahaWararka
June 12, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023