Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Codbixiyaal gaaraya 923,220-Qof, oo iska Diiwaangeliyay Gobolka Banaadir
    October 19, 2025
    Saraakiil ka tirsan hay’adaha amniga oo tababar uga furmay Muqdisho
    October 19, 2025
    Danjire Ilyaas Cali Xasan oo si weyn loogu soo dhoweeyay magaalada Kinshaasa
    October 19, 2025
    Wasiir ku-xigeenka Gaashaandhigga XFS oo tababar Muhiim ah daah-furay
    October 19, 2025
    Muxuu ku saabsan yahay heshiiska Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda XFS iyo EUCAP?
    October 19, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Xamaas oo heshay dammaanad-qaad iyo Israel oo ogolaatay xabbad joojinta Gaza
    October 10, 2025
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgaly furitaanka meertada 80-aad ee golaha guud ee Qaramada Midoobay
    September 23, 2025
    Illaa kun ruux oo ku dhintay dhul go’ ay sababeen roobab ka da’ay Sudan
    September 2, 2025
    Dhulgariir geystay khasaarooyin kala duwan oo ka dhacay Afganistan
    September 1, 2025
    Madaxda Ruushka & W/Kuuriya oo todobad kadib ku wajahan Shiinaha
    August 28, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Xuska 14-ka Oktoobar ee Qaraxii Soobbe
    October 14, 2025
    Xuska 12-ka Oktoobar ee Maalinta Calanka Soomaaliya
    October 12, 2025
    Wax ka ogoow Taariikhda Farsamo yaqaankii ugu horreeyay ee Raadiyo Muqdisho (SAWIRRO)
    September 24, 2025
    Guushu waa adigoo wax yar Cagaha Dhulka ku haya (FAALLO)
    September 15, 2025
    Afar fariimood oo ay dirtay jabinta difaacyadii iyo duullaankii Khawaarijta
    September 15, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
    Safaaradda Soomaaliya ee kenya oo Hamblayo u dirtay Kooxda Dekadaha oo guul usoo hooyay Dalkeena
    September 28, 2025
    Dekedaha oo muujisay awood, kadib markii ay guul ka gaartay Al-Zamala
    September 21, 2025
    Kooxda Dekedaha soomaaliya oo Nairobi kula ciyaaraysa Al Zamala Sports Club
    September 20, 2025
    Maareeyaha Dekadda Muqdisho oo Sagootin u Sameeyay Kooxda Dekedaha
    September 15, 2025
Reading: Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)
GudahaMaqaalladaWararka

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

By Ruush Abdullahi
Last updated: July 18, 2025
4 Min Read
Share

Soomaaliya ayaa heshay Diyaarado aan duuliyaha laheyn, iyo kuwa Qumaatiga u kaca ee Helicopteriska ah, kuwaasi oo qeyb ka qaadan doono difaaca Qaranimada iyo badqabka Dhuleed, iyadoo mid ka ah ay tahay Diyaaradan Akinci, waana nooca aan duuliyaha laheyn ayaa ka mid ah kuwa ugu horumarsan dhanka ciidamada, waxaana soo saarta shirkadda duulista iyo difaaca Turkiga ee Baykar, waxaana loogu talagalay inay fuliso howlgallo kala duwan, oo ay ku jiraan weerarro uu bartilmaameedkoodu sax yahay, ilaalin, iyo taliska iyo howlgallada ciidamada.

Akıncı UAV waxa ay qaadi kartaa Rasaas, Gantaalo iyo Bambooyin ay ka mid yihiin MAM-L, MAM-C, Cirit, Giidance Guidance Kit (KGK)-MK-82 iyo SOM-A. Diyaaradaan waxay hawada ku jiri kartaailaa iyo 25 saacadood, waxaana kaloo loo isticmaala Tiknoolajiyada Sirdoonka macmalka ah ee laga soo saaro Turkiye. Waxaa lagu tilmaamaa diyaarad leh “awood go’aan qaadasho” iyada oo ku habaysan xogta ay ka hesho dareemayaasheeda, iyada oo adeegsanaysa kombuyuutar Sirdoon oo ku shaqeeya garaad macmal ah.

Akıncı waxay qaadi karta ugu badnaan culeys dhan 5500+ kg, waxay leedahay laba matoor oo turboprop ah oo awood u siinaya inay hawada sare u gasho joog dhan 38,039 ft oo ay ku gaari karto muddo 25 saacadood ah masaafo 7,507 km, waxayna ku qalabeysan tahay hannaan awood leh oo ay ku qaadi karto weerarrada elektaroonig ah ,iyadoo adeegsanaysa nidaamyada ka-hortagga, nidaamyada isgaarsiinta dayax-gacmeedka, radar hawada-ilaa-hawo iyo radar-ka-hortagga shilalka.

Ma aha diyaaraddii u horreyay ee aan duuliyaha laheyn oo ay Soomaaliya hesho, horey waxay ciidanka Soomaaliya u heysteen diyaaradda Turkiga uu soo saaro ee Bayraktar TB2 .

Haddaba Muhiimada ay u leedahay Soomaaliya diyaaradan ayaa Dadka ka faallooda arrimaha Ciidamada ayaa tibaaxaya dhowr arrimood:-

1.Inay ku hubeysanyihiin ciidanka Soomaaliya diyaaradda Bayraktar Akınci , waxay siinaysa gacan sarreyn ay kaga gudbayaan dheelitirkii awoodda ee u dhaxeeyay ciidanka xoogga iyo kooxaha sida AS.

2 Waxaa adkaanaysa inay nolal ku laabtaan koox kasta oo weerar ku qaada saldhigyada ciidanka xoogga, sabab la xiriirta masaafada deg deg leh oo goob kasta oo Soomaaliya ay ku gaari karto diyaaradan.

3. Diyaaradan waxay leedahay hannaan sirdoon oo awood u siinaya ciidanka Soomaaliya inay fuliyaan howlgallo gaar ah oo ay ku beegsanayaan xubnaha sare ee AS.

4. Bayraktar Akınci , waxaa kaloo ay Soomaaliya awood u siinaysa inay ilaaliso hawadeeda oo diyaaradan ayaa ka hortagi karta diyaarad walba oo soo gasha hawada Soomaaliya.

5. Akınci, waxaa kaloo ay fulin kartaa howlgalo baadi goob iyo sahmin isugu jira.

6. Waxayna awoodaan labadan diyaaradood inay muddo ka yar afar bilood ku burburiyaan saldhigyada AS ay ku leeyihiin gudaha Soomaaliya, haddii ay helaan gantaallada iyo xogta sirdoon ee bartilmaameedyada.

7. Heli-taanka diyaaradaha waa in goob kasta oo ka tirsan Soomaaliya ay howlgallo ka fulin karaan ciidanka Soomaaliya, sababtoo ah saacadii waxay ku gaari kartaa masaafo dhan 277 km illaa inta u dhaxeysa 361 km.

Haddaba Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Dr. Xasan Sheikh Maxamuud ayaa booqday xarunta Tignoolajiyadda Shirkadda Bayraktar ee sameysa diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee Turkiga, waxaana  ku soo dhaweeyay xaruntasi madaxa shirkadda Selçuk Bayraktar, iyadoo  Soomaaliya ay dhawaan heshay qaar ka mid ah diyaaradaha ay shirkaddan sameyso ee AKINCI TB2 iyo kuwa kale oo haatanba ka howlgala dalka Soomaaliya, ayna gacanta ku hayaan ciidanka Cirka ee xoogga dalka Soomaaliyeed.

By. C/lahi Ruush

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Codbixiyaal gaaraya 923,220-Qof, oo iska Diiwaangeliyay Gobolka Banaadir

Muqdisho,(SONNA):- Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa maanta shaaciyay in gobolka Banaadir iska diiwaan…

October 19, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Ra’iisulwasaare-xigeenka dalka oo wakhti la qaatay qaar ka mid ah shacabka caasimada

Muqdisho(SONNA):-Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa waqti la qaatay qaar ka mid ah shacabka…

GudahaWararka
February 1, 2025

Wasiir Beyle oo sharaxay waddada loo marayo deyn cafinta Soomaaliya

Muqdisho (SONNA) -Wasiirka Maaliyadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa sharaxay waddada loo marayo in ugu dambeyn…

Wararka
February 15, 2020

Maamulka Gaadiidka iyo Duulista XFS oo ka warbixiyay waxqabadka iyo horumarada kala ee jira

Muqdisho.(SONNA)...Wasiirka Gaadiidka iyo duulista hawada XFSMudane Maxamed C/lahi Salaad Oomaar iyo  Maareeyaha heyadda duulista Rayidka Axmed Macalin  Xasan,ayaa manta ka…

Wararka
August 22, 2020

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS Iyo Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Dowlad Goboleedka Galmudug oo Dhuusamareeb kulan ku yeeshay

Muqdisho.(SONNA):-Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Duraan Faarax oo ku sugan xarunta Dowlad-gobolleedka Galmudug ee Dhuusamareeb ayaa…

Wararka
December 16, 2020

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023