Jowhar-(SONNA)-Madaxweynaha Dowadda Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen Markuu arkay Qodobada 51aad iyo 60aad ee Dastuurka Dowladda Hirshabeelle.
Markuu arkay: Baahida loo qabo Xeer-ilaaliyaha Guud ee Dowladda.
Markuu tixgaliyay: Talo soo jeedinta Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Dowladda Hirshabeelle.
Madaxweynaha waxa uu Mudane Garyaqaan Garaad Axmed Caddow u magacaabay Xeer-ilaaliyaha Guud ee Dowladda Hirshabeelle.