Muqdisho (SONNA)- Madaxweynaha dawlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye, madaxweynaha dawlad goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare iyo madaxweynaha dawlad goboleedka Koofur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed ayaa galabta soo gaaray magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka, si ay uga qaybgalaan shir lagu dhammaystirayo hanaanka doorashada dalka oo madaxweynaha Jamhuuriyadda FS mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ku casuumay.
Madaxda dawlad goboleedyadan waxaa maanta ay shir sadex geesood ah ay ku yeesheen magaalada Baydhabo, kaas oo ay kaga hadleen xiriirka ka dhexeeya, arrimaha siyaasadeed ee dalka gaar ahaan doorashada soo socota iyo iskaashiga amniga oo ay ugu horrayso la dagaalanka xagjirka, waxaana ay aqbaleen marti qaadka dawladda Federaalka.
Shirka oo furmi doona berri oo ah 10-ka September waxaa sidoo kale qayb ka ah madaxweynayaasha dawlad goboleedyada Puntland iyo jubaland oo muddo todobaad ah ku sugan Muqdisho.