Madaxweynaha dalka Ukraine Volodymyr Zelenskyy ayaa safar lama filaan ah ku tagaya dalka Sacuudi Carabiya, halkaasi oo uu ka socdo shir madaxeedka wadamada Jaamacadda Carabta.
“Waxaan billaabay booqashadii ugu horreysay ee aan ku tago Boqortooyada Sacuudi Carabiya si aan kor ugu qaado xiriirka laba geesoodka ah iyo xiriirka Ukraine ee dunida Carabta,”sidaasi waxaa bogga Twitter ku qoray Zelenskyy .
Madaxweynaha Ukrine waxa uu sheegay in uu ka hadli doono arrimo ay kamid yihiin nabadda caalamka , iskaashiga dhinaca tamarta iyo soo celinta dadka maxaabiista ah ee lagu qabtay dagaalka Ukrine.
โSacuudi Carabiya waxay door muhiim ah ka ciyaartaa arrimaha siyaasadda caalamka,sidaa daraadeed, waxaan diyaar u nahay inaan wadashaqeynteenna gaarsiinno heer cusub”, Zelenskyy ayaa intaa ku daray.