Madrid (SONNA)- Madaxweynaha kooxda kubadda cagta ee Real Madrid Florentino Perez ayaa amaaney kabtanka Sergio Ramos, kaddib markii uu noqday ciyaaryahanka ugu safashada badan taariikhda xulka qaranka Spain.
Ramos ayaa wuxuu jabiyay rikoodhka saaxiibkiisii hore ee Iker Casillas, kulankii xalay ay Norway ku kala baxeen barbaro 1-1 ah, kaasoo ka tirsanaa Isreebreebka koobka Euro 2020-ka.
Sergio Ramos ayaa xalay ciyaaray kulankiisii 168-aad isagoo xiran maaliyada xulka qaranka Spain, wuxuuna rikoodhkan kaga sara maray Iker Casillas oo soo ciyaaray 167 kulan ee ah xulka La Roja.
Haddaba Madaxweynaha kooxda kubadda cagta ee Real Madrid Florentino Perez ayaa wareysi uu ku bixiyay โTVEโ ee dalka Spain wuxuu ku sheegay:
โRamos waa hogaamiye weyn ee hami badan, sidoo kale marka lagu daro awoodiisa ee aan dhamaanteen ku aragno oo isugu jirta farsamo iyo jir ahaanbaโ.
โWaxaa jira waxyaabo kale oo isaga ka dhigay halyeey, kaliya ma ahan Real Madrid iyo xulka qaranka Spain, laakiin kubadda cagta ee adduunkaโ.
โDhamaan awoodahan oo dhan waxay baaqi ku ahaan doonaan isaga, sida inuu ku gudi jiro bilowga xirfadiisa ciyaareed ee kubadda cagta, waana ku qanacsanahay in halyeeyga Ramos uu sii wadan doono Real Madridโ.