Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Bayaan wadajir ah oo ku saabsan booqashada sharci-darrada ah ee xubno ka tirsan Israa’iil ay ku yimaadeen gobollada waqooyi ee JFS
    January 9, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo caawa khudbad u jeediyey Shacabka Soomaaliyeed
    January 8, 2026
    Wasiirka Arrimaha Dibedda Masar iyo Xoghayaha guud ee QM oo qadka Telefonka kaga wada hadlay faragelinta Israa’iil kula kacday Soomaaliya
    January 8, 2026
    Taliyaha ciidanka Booliiska oo shirguddoomiyey shirka taliyeyaasha Booliiska
    January 8, 2026
    Maamulka Shabeellada Dhexe oo deeq xoolo ah ku wareejiyay ciidanka xoogga ee jooga Wargaadhi
    January 8, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
    Qaramada Midoobay oo cambaareysay weerarkii Israel ee masjid ku yaalla Daanta Galbeed
    November 14, 2025
    Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya
    November 7, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    SONNA: 62 Sanno oo Adeeg Qaran iyo Codka Soomaaliya ee Caalamka
    January 7, 2026
    Markii ay Soomaaliya tallaabo horay u qaadaba maxaa loo Qulbaa? (WARBIXIN)
    January 3, 2026
    Aqoonsiga qeybo ka mid ah dal waxa uu khatar gelinayaa nabadda iyo amniga Caalamka
    December 29, 2025
    Xuska Maalinta Ciidanka Boliiska ee 20-ka Disembar  
    December 20, 2025
    Warbixin: Muhiimadda Weyn ee Hannaanka Dawladnimo ee Hanaqaaday
    December 9, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Madaxweynaha Puntland oo tababar u soo xiray dufcaddii 2-aad ee Booliska ee ka baxa dugsiga Xorgoble “SAWIRRO”
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Madaxweynaha Puntland oo tababar u soo xiray dufcaddii 2-aad ee Booliska ee ka baxa dugsiga Xorgoble “SAWIRRO”
Wararka

Madaxweynaha Puntland oo tababar u soo xiray dufcaddii 2-aad ee Booliska ee ka baxa dugsiga Xorgoble “SAWIRRO”

By Aadan Sooyaal
Last updated: January 17, 2021
3 Min Read
Share
Qardho (SONNA)- Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo maanta safar shaqo ku yimi Qardho ayaa tababar usoo xiray dufacadii labaad ee ciidamada Booliska Puntland ee ka qalinjebisay dugsiga Tababarka ee Xorgoble.
Madaxweynaha ayaa ugu horeyn salaan sharaf ka qaatay ciidamada tababarku u dhammaaday, kadibna wuxuu meel fagaare ah ku daawaday dhuulatus ay ciidanku soo bandhigeen oo ka turjumaya tababarkii iyo aqoontii la siiyey. Madaxweynaya ayaa bogaadiyey Ciidamada tababarka dhameystay wuxuuna kula dardaarmay in casharada iyo aqoonta lasiiyey ay ka faa’ideystaan.
Hadaljeedintiisa Madaxweynuhu wuxuu kusoo qaatay dhacdooyinka amniga lidiga ku ah iyo deganaanshaha ee ay geystaan siyaasiyiin dano kale leh, isago xasuusiyey in nidaamka Xisbiyada badan loo hirgeliyay in Siyaasiyinta kii dood qaba uu aragtidiisa ku gudbiyo.
Madaxweynaha ayaa u digey dadka caadeystay iyagoo fulinaya dano siyaasiyiin meelo kale jooga inay kiciyaan bulshada iyagoo barasha bulshada u adeegsanaya si khaldan.
” Dadka waayadan danbe caadeystay iyagoo dano Siyaasiyiin meelo kale jooga ka fulinaya, inay dadka kiciyaan, Booliiskaan booliiskii hore waa ka duwanyahay waxaa dacwad lagugu soo oogaya meelkasta oo aad joogto oo danbi ku gashid, Facebook xitaa hadda danbi ku gashid danbibaarayaashu waa kusoo qabanayaan, danbigu maaha kan banaanada lagu qabto keliya, haddaa Facebook-ga kacdoon, kicin, dil iyo belaayo ka shaqeysid ogow cadaaladda Puntland waa ku arkeysaa, ama Magac gabdheed Facebook-ga saarso ama mid odeyeed saarso adey kuu taalla waa lagu soo qabanaayaa”
Xaaladda Soomaaliya ay marayso, wuxuu Madaxweynuhu sheegay in Puntland Dowladd iyo shacaba ay mar walbo u taaganyihiin sidii loo sixi lahaa nidaamka siyaaasiga ah ee Soomaaliya, iyo in loo baahanyahay in Dowladdnimada Soomaaliya wixii lagu heshiiyo la illaaliyo, sida loo illaaliyo in Puntland Doorashada Madaxweynaha la qabto 8-da January.
” Waxaan har iyo habeen u taaganahay Soomaaliya sidii loo sixi lahaa nidaamkeeda Siyaasiga ah inaan gacan ka geysano, Laakiin waxaan marna Madax iyo Shacabka reer Puntland aan suuragal ka aheyn, Wadada Soomaaliya lagu soo celinayo intii la qaloociyo la yiraahdo iska sabra dalku haadaan ha ku dhacee taas ma suuragaleyso, wixii aan u aragno iney khaldanyihiin waa sheegaynaa, waxaan rabnaa dalkan marbuu khaldamay, burbur galay, dadkiisu isnaceen, kala irdhooben, waxaan rabnaa inuu si sax ah u dhismo, mar danbe maamulka Dowladded ama kan Puntland ha ahaado ama kan Soomaaliyeed in uusan burburin” Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.
Munaasabadda tababarka loogu soo xiray dufcadii labaad ee Ciidamada Booliska Puntland ee ka qalinjebiyey Dugsiga tababarka ee Xergoble, waxaa ka qeybgalay Guddiga dib-u-habeynta Ciidamada, Taliyaha Ciidamada Daraawiishta Puntland, Taliyaha Ciidamada Booliska Puntland, Masuuliyiin hore usoo qabtay xilka Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliya, xubno ka mid ah goleyaasha Dowladda Puntland, Maamulka Gobolka Karkaar, kan degmada Qardho iyo marti sharaf kale.
Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Bayaan wadajir ah oo ku saabsan booqashada sharci-darrada ah ee xubno ka tirsan Israa’iil ay ku yimaadeen gobollada waqooyi ee JFS

Muqdisho(SONNA):-Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Masar, Jamhuuriyadda Aljeeriya, Jamhuuriyadda Bangaladesh, Midowga Jasiiradaha Comoros, Jamhuuriyadda Jabuuti,…

January 9, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Ra’iisal wasaarw Xamse oo ka qaybgalay xuska maalinta midnimada Yurub

Muqdisho (SONNA): Ra'iisul  wsaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xamse Cabdi Barre oo maanta ka qeyb-galay munaasabad ku saabsan maalinta Midnimada…

CaalamkaGudahaWararka
May 9, 2023

Kuwait :Madaxa Hay’adda SODMA oo la kulmay Qaramada Midoobay iyo Xafiis Goboleedka Carabta

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka (SODMA), Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa dalka Kuwait kulan kula qaatay Ergayga Gaarka ee Xoghayaha Guud Qaramada…

Gudaha
February 14, 2025

Ra’iisul wasaare Xamse oo daah furay mashruuc 40 milyan lagu maalgalinayo oo Soomaaliya laga fulinaayo

Muqdisho-(SONNA)-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa daah-furay mashaariic la xiriirta dhinacyada Caafimaadka, Waxbarashada, Biyaha iyo…

GudahaWararka
January 28, 2024

Ra’isul Wasaaraha XFS oo Hambalyo u diray Ciidanka Xoogga Dalka.

Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa Hambalyo ku aadan sanad guuraddii 61 aad u diray ciidanka Xooga Dalka…

Gudaha
April 12, 2021

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023