Muqdisho (SONNA)-Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa galabta lagu soo dhoweeyay magaaladda Muqdisho.
Wafdiga Madaxweynaha Puntland Waxaa Goroonka Adan cadde ku soo dhaweeyey Masโuuliyiin ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo iyo Bulshada qeybahooda kale duwan.
Sidoo kale Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Jubaland Mudane Axmed Islaam Axmed Modoobe ayaa isna maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho ee Caasimada dalka, Madaxweynaha waxaa garoonka diyaaradaha kusoo dhaweeyay Masโuuliyiin iyo shacab.
Madaxweyneyaasha Puntland iyo Jubbaland ayaa ka qeyb galaya shirka madasha wadatashiga arrimaha doorashooyinka ee uu ku baaqay Raโiisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble.
ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย