Muqdisho (SONNA)-Madaxweynaha Dawlad goboleedka Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa kormeeray dhismaha cusub ee bangiga dhexe ee Puntland oo meel gabo-gabo ah maraya.
Madaxweynaha oo kormeerkiisu ay ku weheliyeen Mas’uuliyiinta Wasaaradda Maaliyadda Puntland, ayaa warbixin ka dhegaystay Madaxda Bangiga dhexe iyo khuburada dhismaha gacanta ku heysa.
Dhammaan qarashka ku baxaya Dhismaha bangigaan ayaa waxaa bixiyey maamulka Puntland, waxaana uu ka mid yahay xarumaha hay’addaha dowlad gobaleedka ee lagu waddo horumarinta.