Madaxweynaha Puntland oo Cafis u fidiyay Maxaabiis

La wadaag cid kale

Muqdisho(SONNA):- Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 13 kuna saabsan Cafis Guud oo uu u fidiyey 66 maxbuus oo ka mid ah maxaabiista ku xiran xabsiyada Puntland.

Waxaa cafis guud loo fidiyey fadliga bisha barakeysan ee Ramaddan iyo xaalada caafimaad ee caabuqa Covid-19 awgeed.

Madaxweynaha ayaa cafiskaan u cuskaday  Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad farqadasiisa 11aad  iyo talo soo jeedinta Wasiirka Cadaaladda, Arrimaha Diinta iyo Dhaqan celinta.

La wadaag cid kale