Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Guddoomiyaha Guddiga Xuquuqul Insaanka oo la kulantay Danjiraha Midowga Yurub
    May 13, 2026
    Wasiirka cusub ee wasaaradda warfaafinta oo xilka la wareegay
    May 12, 2026
    Maareeyaha Hay’adda NIRA oo Ivory coast uga qaybgalaya shirka ID4Africa
    May 12, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalay caleemasaarka Madaxweynaha Uganda
    May 12, 2026
    Agaasimaha SONNA oo shir caalami ah uga qaybgalaya Masar
    May 12, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Doorashooyinka Isku Sidkan oo ka qabsoomay Koonfur Galbeed (WARBIXIN)
    May 11, 2026
    “Koonfur Galbeed, Albaabka Iftiinka Dimuqraadiyadda“ Wasiir Al-Cadaala
    April 29, 2026
    12-ka April Xuska Maalinta Qaran ee Ciidanka Xoogga Dalka
    April 12, 2026
    Markabka qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo Muqdisho laga sagootiyay
    April 11, 2026
    Hoggaamiyaha isbadalka (warbixin)
    April 9, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya oo ka qayb galaya Shirweynaha 76-aad ee FIFA Congress
    April 30, 2026
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
Reading: Madaxwaynaha Masar Abdel Fattah El-Sisi oo digniin culus u diray Itoobiya
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Madaxwaynaha Masar Abdel Fattah El-Sisi oo digniin culus u diray Itoobiya
GudahaWararka

Madaxwaynaha Masar Abdel Fattah El-Sisi oo digniin culus u diray Itoobiya

By Bile
Last updated: January 21, 2024
3 Min Read
Share

Qaahira-(SONNA)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Masar, Cabdel Fataax Al-Sisi ayaa maanta si wadajir ah u qabtay shir jaraa’id oo daarnaa xiisda ka aloosan gobolka Geeska Afirka, gaar ahaan damaca gurracan ee Itoobiya.

Madaxweynaha Masar Cabdel Fataax Al-Sisi ayaa sheegay in heshiis-beenaadkii Somaliland iyo Itoobiya ay wada galeen ay Masar ka qaadatay mowqif cad, isla markaana war-saxaafadeed ay soo saartay wasaaradda arrimaha dibadda Masar ay ku diiday heshiiskaas.

Al-Sisi Madaxweyanah Masar oo ka hadlay arintaas ayaa yiri, “Sidaas darteed waxa aan cadeyneynaa in Masar ay diidan tahay in la farageliyo arrimaha Soomaaliya ama meel looga dhaco madaxbanaanideeda.”

Al-Sisi oo sii hadlaya ayaa hadalkiisa sii raacsiiyey “Farriinta aan u dirayo Itoobiya si ay tas-hiilaad uga hesho walaalaha Soomaaliya, Jabuuti iyo Ereteriya, waa in ay u martaa waddo sharci ah, kana faa’iidaysto dekedaha dalalkaas. Laakiin in la isku dayo in dhul xoog lala wareego, cidna ma ogola.”

Sidoo kale Madaxweynaha Masar ayaa intaas ku daray in Soomaaliya ay tahay dal Carbeed, isla markaana ay xaq u leedahay in si wadajir ah lagu difaaco sida uu dhigayo Axdiga Jaamacadda Carabta, khatar kasta oo ku soo wajahan, isaga oo si cad u sheegay in Masar aanay oggolaan doonin cid kasta oo dhibaato u geysata Soomaaliya ama wax u dhinto ammaankeeda.

“Xeerka Jaamacadda Carabta waxa uu dhigayaa in aan wadajir u difaacno dalkii Carbeed oo ay soo food-saarto khatar jiritaan, sidaas awgeed dowladda Masar ma aqbalayso in la faro-geliyo, laguna soo xadgudbo midnimada iyo amniga Soomaaliya. Awoodda Masar yaan la tijaabin oo la handadin walaalahood, gaar ahaan dalalka walaalaha ah ee naga codsada in aan garab istaagno,” sida uu yiri Madaxweyne Al-Sisi.

Dhanka kale Madaxweyne Al-Sisi ayaa sidoo kale ugu hambalyeeyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud guulaha ay dowladda Soomaaliya ka gaartay muddadii la soo dhaafay, “Waxaan idinku hambalyeynayaa guulaha aad ka gaarteen muddadii aad dalka hoggaaminaysay, saddex arrimood oo ay ugu horreyso xurreynta dalka iyo la-dagaalanka argagixisada oo saamayn weyn ku lahaa xasillooni-darrada ka jirtay dalka muddo labaatan ilaa soddon sannadood.”

Madaxweynaha Masar Cabdel Fataax Al-Sisi ayaa intaa ku daray in guusha labaad ay tahay in Soomaaliya laga cafiyo deymihii lagu lahaa, waxaana guusha seddexaad uu ku sheegay in ay tahay in Soomaaliya laga qaado cunaqabateyntii hubka ee saarneyd tan iyo 1991-kii.

Madaxweyne Al-Sisi ayaa sheegay in hoggaanka Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, uu horseeday in Soomaaliya ay ku tillaabsato horumar, isaga oo carabka ku adkeeyay in xiriirka Soomaaliya iyo Masar uu yahay mid taariikhi ah.

Madaxweyne Al-Sisi ayaa sheegay in qodobadii ay ka wadahadleen madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ay ahaayeen kuwo wax ku ool ah, oo ay ka mid yihiin xoojinta xiriirka dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha, ciidamada iyo amniga.

TAGGED:Madaxwaynaha Masar Abdel Fattah El-Sisi oo digniin culus u diray Itoobiya
Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Guddoomiyaha Guddiga Xuquuqul Insaanka oo la kulantay Danjiraha Midowga Yurub

Muqdisho (SONNA): Guddoomiyaha Guddiga Qaranka Madaxbannaan ee Xuquuqul Insaanka, Dr Maryam Qaasim, ayaa maanta kulan…

May 13, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Wasiirka Maaliyadda oo Washington kula kulmay madax ka tirsan Bangiga Adduunka iyo IMF

Washington (SONNA): Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Biixi Imaan Cige, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa dhawaan gaaray magaalada Washington…

GudahaWararka
October 14, 2025

Madaxweynaha Hirshabeelle oo jowhar ka furay shirweynaha maamullada, goballada iyo degmooyinka

Muqdisho(SONNA):-Madaxweynaha Hirshabeelle mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa maanta Jowhar ka furay shirweynaha maamullada, goballada iyo degmooyinka dowlad goboleedka…

GudahaWararka
February 25, 2024

Kulan looga hadlayay xoojinta xiriirka wada shaqeynta iyo Dib-u-heshiisiinta oo lagu qabtay Garoowe “SAWIRRO”

Muqdisho (SONNA)-Magaalada Garowe waxaa ka qabsoomay kulanka xoojinta xiriirka ka dhaxeeya Wasaaradda Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Wasaaradaha Arrimaha…

GudahaWararka
August 12, 2021

Wasaarada Amniga Galmudug oo  mamnuucday ka ganacsiga & isticmaalka maandooriyaasha

Galkacyo (SONNA) Wasiirka Amniga Gudaha eee Dowlad Goboleedka Galmudug Ahmed Macalin Fiqi ayaa sheegay in maamulku uu mamnuucay ka ganacsiga…

Wararka
May 28, 2020

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023