Muqdisho (SONNA)-Madaxweynaha Dowad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoysaska, qaraabada iyo guud ahaan shacabka Koonfur Galbeed ee ay ka geeriyoodeen Muwaadiniintii ku shahiiday qaraxii bahalnimada ahaa ee argagixisadu ay maanta ka fuliyeen Degmada Berdaale ee Gobolka Baay, kaasi oo ay la beegsadeen dad masakiin ahaa oo halkaasi ku ganacsanayey.
Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay isku duubni, wadajir iyo sii joogteynta la shaqeynta laamaha ammaanka, si looga guuleysto cadawga arxan laawayaasha ah ee caadeystay gumaadka iyo daadinta dhiigga muwaadiniinta Soomaaliyeed.
โInnaa Lillaahi wa innaa Ilayhi raajicuun. Qaraxan argagixisadu ay maanta ku xasuuqday shacabka birimagaydada ah waxa uu muujinayaa yoolkooda foosha xun ee salka ku haya in ay meel kasta ku gumaadaan dadkeenna iyo sida ay nolol iyo xasillooniba ugu diiddan yihiin shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan Shacabka Koonfur Galbeedโ. Ayuu yiri Mudane Cabdicasiis.
Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Alle uga baryey muwaadiniintii ku geeriyooday qaraxan bahalnimada ah in uu hoygooda ka yeelo Jannatul Firdowsa, kuwa kale ee ay dhaawacyadu ka soo gaareenna uu Eebbe u boogo dhayo.