Baydhabo(SONNA):-Madaxweynaha Dowlad goboleedka Koonfur galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa maanta Dhagax-Dhigay Dhismaha Wasaaradaha Amniga iyo Cadaaladda.
Munaasabada Dhagax-Dhiga waxaa Madaxweynaha ku Wehlinayey Wasiirka Amniga, Wasiirka Cadaalada, Wasiirka Howlaha guud, Wasiirka Warfaafinta, Gudoomiyaha Degmada Baydhabo, Agaasimaha Madaxtooyada iyo Saraakiisha Hayโaddaha Amniga.