Muqdisho(SONNA):-Madaxweynaha Dowlad Goboleedyada Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa si diiran loogu soo dhoweyey Magaalada Baraawe ee Caasimada Dowlada Goboleedyada Koonfur Galbeed.
Gudoomiye ku xigeenka 2-aad ee Baarlamaanka Dowlada Koonfur Galbeed, Gudoomiyaha Gobolka Shabeelaha Hoose,Maamulka Caasimada Baraawe iyo Qeybaha kala duwan Bulshada ayaa wafdiga Madaxweynaha kusoo dhoweeyey Garoonka Diyaaradaha Magaalo xeebedka Baraawe.