Xudur (SONNA)- Magaalada Xuddur ee xarunta gobolka Bakool maanta waxaa gaaray wefdi uu hogaaminayo wasiirka maaliyadda Koofur Galbeed ayna kamid yihiin wasiirka gaadiidka iyo masโuuliyiin kale oo ka tirsan maamulka.
Imaanshaha wefdigan ayaa ku soo aadaya xilli magaalada ay ka soo yeertay qaylo dhaan ku aadan dhibaatada ka dhalatay xayiraadka argagaxisada Alshabaab saareen shacabka gobolka Bakool gaar ahaan Xuddur.
Wariyaha warbaahinta qaranka, Siraaji Sheekh Isxaaq, oo la socday wefdiga maanta gaaray Xuddur ayaa sheegay in masโuuliyiintan ay hor u dhac u yihiin madaxweynaha Koofur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen oo halkaas tagi doona dhowaan.
Xuddur muddo sideed sano ah waxaa goโdoomin ku haya maleeshiyaadka Alshabaab, arrintaas oo shacabka magaalada ku keentay culeys dhanka nolashada ah, hase yeeshee bilihii u dambeeyay Alshabaab ayaa labo laabay xayiraadka magaalada waxay gubeen gaadiid badan oo magaalada u siday raashiin iyo waxyaabaha nolashaa muhiimka u ah.