Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa ka hadlay Colaadda ka socota Degmada Wanlaweyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose.
Madaxweyne Cabdicasiis ayaa marka hore tacsi u diray dadkii ku geeriyooday colaadda Wanlaweyn, isagoo colaadaas uu ku tilmaamay mid islaanimada iyo Soomaalinimada ka fog.
Waxaa uu sidokale shegay Madaxweynaha Koonfur Galbeed in ay ย sharciga horkeeni doonaan cid walba oo ku lug leh dagaalka xun ee maalmihii la soo dhaafay ka dhacayay Degmada Wanla-weyn iyo deegaanada hoostaga.
Qoraal ka soo baxay Xafiiska madaxweeyne Lafta-gareen ayaa waxaa lagu sheegay in Guddi loo saari doono colaada Wanla-weyn, kuwaasi oo si deg deg ah u kala dhex geli doona beelaha walaalaha ah ee ku dagaalamayo Wanlaweyn.