Muqdisho (SONNA)-Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ( Axmed Madoobe) ayaa bahda cayaaataha Jubbaland iyo ehelada uga tacsiyadeeyay falkii argagixisanimo ee lala eegtay baska ay saarnaayeen ciyaartooyda Kooxda JCCI.
โWaxaan uga tacsiyaynayaa dhamaan bahda Ciyaaraha Jubbaland qaraxii maanta Argagixisadu la beegsatay baska kooxda kubada Cagta JCCI, halkaas oo ay ku geeriyoodeen Sadex ka mid ah ciyaartooyda kooxda, qaar kalana ay ku dhaawacmeen. Waxaan Alle uga baryayaa in uu janadii fardowso ka waraabiyo dhallinyaradaas aan waxba galabsan ee Argagixisadu ay dhiigooda banaysatay, waxaa kale oo aan Alle Caafimaad taam ah uga baryayaa inuu siiyo inta dhaawaca ahโ. Ayuu yiri Axmed Madoobe.
Madaxweynaha Jubbaland ayaa xusay in maleeshiyada Al-Shabaab ay ka goโantahay inay beegsadaan qof walba, iyagoo si bareer ah u beegsanaya dadka waxgalka ah sida Dhallinyarada, Aqoonyahanka iyo dadka u ah indhaha bulshada, taas oo cadaynaysa inay si guud indhaha uga ridayaan ummada Soomaaliyeed.
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in loo midoobo sidii argagixisada Al-Shabaab looga adkaan lahaa, isla markaana loo badbaadin lahaa inta hartay Bulshadeenna.