Muqdisho (SONNA)-Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa soo gaaray Magaalada Muqdisho isagoo ka qeybgalaya shirka looga hadlayo arrimaha doorashooyinka.
Masโuuliyiin kala duwan ayaa garoonka garoonka diyaaradaha ee Aadan Cabdulle ku soo dhaweeyay wefdiga madaxweynaha Jubaland.
โWaxaan u nimid in la abshireysto kheyr noqoto wadankana horay u socdo war waa dambeeyaa,โ ayuu yiri Axmed Madoobe.
Waxaa horey caasimadda ugu sugnaa madaxweynaha Hirshabeele mudane Cali Guudlaawe Xuseen, iyadoo madaxda dowlad goboleedyada kale la filayo in ay yimaadaan magaalada Muqdisho si loo amba qaado wadahadalka arrimaha doorashooyinka dalka.