Muqdisho (SONNA)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kulan-maamuuseed ugu fidiyey Madaxtooyada Qaranka, Xog-hayaha Guud ee urur-goboleedka IGAD Mudane Workneh Gebeyehu.
Madaxweynaha ayaa ugu hambalyeeyay Xoghayaha cusub ee IGAD xilkan dhawaan loo igmaday, waxa uuna u rajeeyey in uu ka miro-dhaliyo qorsheyaasha heer gobol ee kor u qaadista iskaashiga, nabadda iyo horumarka dalal ku mideysan IGAD oo Soomaaliya ay ka mid tahay bud-dhigeyaasha ururkan.