Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya
    January 30, 2026
    wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga
    January 30, 2026
    Ciidanka xoogga oo hawlgal ku dilay xubno ka tirsanaa khawaarijta
    January 29, 2026
    Ergada Soomaaliya ee qaramada midoobay oo munaasabad casho ah u qabtay danjireyaasha iyo diblomaasiyiinta ka hawlgala xarunta QM
    January 29, 2026
    Taliyaha Booliiska oo shirguddoomiyey shirka hoggaanada Booliiska
    January 29, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
    Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya
    January 13, 2026
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
    Laascaanood waa Xuddunta Midnimada Dalka
    January 19, 2026
    SONNA: 62 Sanno oo Adeeg Qaran iyo Codka Soomaaliya ee Caalamka
    January 7, 2026
    Markii ay Soomaaliya tallaabo horay u qaadaba maxaa loo Qulbaa? (WARBIXIN)
    January 3, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐๐š๐ฆ๐š๐๐š ๐‚๐š๐ซ๐š๐›๐ญ๐š
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN)ย 
    April 19, 2025
    ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ค๐š๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฌ๐š๐ฑ๐ข๐ข๐ฑ๐๐š๐ฒ ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ž๐ž๐ ๐จ๐จ ๐ ๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ๐š $๐Ÿ”๐Ÿ–.๐Ÿ“ ๐Œ๐ข๐ฅ๐ฒ๐š๐ง
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Madaxweynaha JFS oo khudbad u jeediyay Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
ยฉ2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Madaxweynaha JFS oo khudbad u jeediyay Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya
GudahaWararka

Madaxweynaha JFS oo khudbad u jeediyay Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya

By Abdulkadir
Last updated: December 28, 2025
2 Min Read
Share

Muqdisho,(SONNA);-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad u jeediyey Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si adag u cambaareeyey xadgudubka ka dhanka ah Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ee uu ku kacay Ra’iisul Wasaaraha Yuhuudda, kaas oo si bareer ah ugu tuntay shuruucda iyo xeerarka caalamiga ah.

Madaxweynaha ayaa sheegay in dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay naf iyo maalba u horayaan ilaalinta qarannimadooda iyo midnimadood, waxa uuna adkeeyey muhiimadda ay leedahay in xilligan loo wada istaago ka hortagga halista ku aaddan jiritaankeenna Soomaalinimo, xasilloonida iyo nabadda gobolka.

โ€œTallaabada Netanyahu waa mid aan marnaba la aqbali karin, waxayna ka dhigan tahay duullaan cad oo lagu soo qaaday qarannimada, madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Gobollada Waqooyi ee Jamhuuriyadda, ee loo yaqaan Somaliland, waa qayb aan kala goโ€™ lahayn oo ka mid ah Soomaaliya. Mowqifkeena ma isbeddeli doono, waxaana ka digeynaa isku-day kasta oo lagu kala qeybinayo dalka.โ€

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo bogaadiyey garab istaagga heer gobol, heer Carbeed, heer Afrika iyo heer caalam ee ku aaddan adkaynta iyo difaaca midnimada Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa adkeeyey mowqifka soo jireenka ah ee shacabka iyo Dowladda Soomaaliya ay ku garab taagan yihiin walaalaha Falastiin ee la nool xadgudubyada joogtada ah.

โ€œSoomaaliya ma oggolaan doonto in dhulkeeda loo adeegsado dagaallo iyo fitno, waxaan diyaar u nahay in aan kaalin muuqata ka qaadanno nabadda iyo xasilloonida gobolka iyo caalamka. Waxaan sidoo kale si mabdaโ€™ ahaan u diiddanahay barakicinta khasabka ah ee shacabka Falastiin”.

Ugu dambeyntii, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ugu baaqay dalalka saaxiibada ah, kuwa walaalaha ah iyo hayโ€™adaha caalamiga ah in ay garab istaagaan Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed dadaallada diblomaasiyadeed iyo kuwa sharci ee lagu difaacayo madaxbannaanida, midnimada iyo jiritaanka Qaranka Soomaaliyeed.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya

Muqdisho(SONNA):-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali,…

January 30, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA)ย Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Raโ€™iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Raโ€iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Ra’iisul wasaaraha XFS oo la kulmay Ergeyga Gaarka ah ee Mareykanka u qaabilsan Geeska Afrika

Nairobi(SONNA):-Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa la kulmay Ergeyga Gaarka ah ee Mareykanka u qaabilsan…

GudahaWararka
May 11, 2024

Shirkii Wadatashiga Hindise Sharciyeedka Korontada Dalka oo Muqdisho lugu soo Gaba-gabeeyay+Sawirro

Muqdisho (SONNA)- Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha Xukumadda Federaalka Soomaaliya Marwo Fowsiyo Maxamed Sheekh ayaa soo xertay shirkii wadAtashiga…

Wararka
July 2, 2020

Faah faahino laga helayo Khasaaraha ka dhashay dabkii xalay ka kacay Suuqa Bakaaraha

Muqdisho.(SONNA):- Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya Khasaaraha ka dhashay dab xooggan oo xalay fiidkii ka kacay Suuqa Bakaaraha…

GudahaWararka
January 22, 2023

Madaxweyne Xasan Sheekh oo saxiixay buugga tacsida ee AUN guddoomiye Prof. Jawaari

Muqdisho-(SONNA)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada Qaranka ku saxiixay Buugga tacsida Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka, Marxuum…

GudahaWararka
July 7, 2024

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US:ย 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

ยฉ2023